Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Ay Fulisay Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley Kuwo Kalena Dhagax Dhigay

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Ay Fulisay Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley Kuwo Kalena Dhagax Dhigay

 

Madaxweyne  ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta safar shaqo ku tegay Gabiley, waxaanu xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo laga fuliyey gudaha Magaalada Gabiley, sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay kuwo cusub, halka uu kormeeray kuwo haatan dhismahoodu socdo oo dhammaantoodba ay fulisay Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley.

 

Maashariicda Horumarineed ee Madaxweyne ku xigeenku xadhiga ka jaray  ayey ka mid ahaayeen Saylada Xoolaha, Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Jirde, dhismayaal cusub oo lagu kordhigay Xarunta Dawladda hoose, Sariibad si heer sare ah loo casriyeeyey, waxaana uu sidoo kale dhagax dhigay dhismaha mashaariicda, Jidka Wadnaha ee Magaalada oo Dawladda hoose Casriyeysay, Xarunta Daryeelka Caruurta ee Hay’adda DIRECTAID gacanta ku hayso, Dugsiga Farsamada gacanta iyo kuwao kale.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa aad ugu ammaanay Golaha deegaanka Degmada Gabiley oo uu horkacaayo Maayirka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, hormumarka balaadhan ee ay ka sameeyeen Magaalada Gabiley iyo guud ahaanba Gobolka, Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in loo baahan yahay in Dawladdaha hoose ay muujiyaan waxqabadkooda islamarkaana ay daboolaan Baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada oo ah waxa ay u xilsaaran yihiin.