Waa kuma hogaamiye? (WQ: Rashiid Odowaa)

Hoggaamiye waxa lagu qeexaa qofka hogaamiya koox,Urur ama waddan,hoggaamintuna waa xirfadda lagu kexeeyo ama lagu hoggamiyo dadka,si loo gaadhsiiyo halka ay higsanayan ee hamigoodu yahay.

Afsomali ahaa eraygu halkuu ka yimid hoggaan waa xadhigga awrka lagu kexeeyo sidaas darteed marka reerku guurayo ee dhowr iyo toban awr la isku xidhiidhiyo waxa gadhwadeen ama horseede noqda oo hoggaanka qabta ninka la tuhunsanyahay inuu raganimo iyo caqli leeyahay,eek ala dabaalan karta wixii dhib ah ee ka hor yimaadda hadday tahay Col,bahal ama jiho habow si loo gaadho hirka reerku hayaanka ku yahay.

Colka waa la mid oo marka la duulayo ama socod lagu jiro waxa colka hor gala ninka geesinimo iyo caqli lagu tuhmayo ama lagu yaqaanno tusaale ahaan waa kii Hadraawi lahaa โ€œNaalleeye habacsane maadigaa Hoggaanshe ah yaa horseede kaa dhigayโ€ halkaas waxad ka arkaysaa in aan ninka la qawadsan yahay aan horseede laga dhiganayn illayn beeshu way is taqaannaaye.

Haddii aynu hore ugu sii soconno wakhtigan casriga ah waxa lagu murmaa hoggaamiyenimo waa loo dhashaa iyo maahee waa wax aqoon lagu kasbado,waxa xoog badnaatay tii ahayd waa loo dhashaa,oo tusaale ahaan waxa dhici karta in marka duruufi timaaddo colaad ama dhib kale in qof aan hoggaamiye la moodayn kolka hore uu iska rogo daboolka oo uu talada la wareego, hase yeeshee aqoontii ayaa iyaduna lagama maarmaan noqotay sidaas darteed qofka u dhashay ama hibo u leh hoogaaminta eek u darsada aqoon kaa cid ma hor marayso

John C Maxwell ayaa wuxu ku sharaxay hoggaamiye โ€œwaa ka dariiqa yaqaanna,ee dariiqa ku tusa, ee kuu horseeda dariiqaโ€

Guud ahaan qofka hoggaamiyaha ah waxa looga baahan yahay inuu yeesho oo uu hodan ku yahay astaamo uu dadka caadiga ah kaga duwanyahay waxana ka mid ah;-

Daacadnimo iyo dhowrsanaan:ย haddii aanu hoggaamiyuhu ahayn qof ka dhowrsan xumaanta oo aanu daacad ahayn,dabcan kuwa uu hoggaaminayo laga sugi mayo daacadnimo,Somalidu waxay tidhaa Awrka danbe awrka hore socodkiisa ayuu leeyahay.

Kalsooni:ย haddii aanu hoggaamiyuhu ku kalsoonayn dariiqan uu dadka u hoggaaminayo iyo halka la higsanayo oo uu yidhaa ma gaadhi karno,waxba ma qabsan karno,ma sii socon karno geeddigii halkaas ayuu ku joogsanayaa,tusaale Mahatma Gandhi ninkii la odhan jiray isagoo xidhan dharka caadiga ah ee hindiya ayuu fadhiisan jiray shirarka reer yurub dan iyo muraad isagoo aan ka lahayn suudhka ay xidhanyihin.

Muuqa:ย hoggaamiyuhu waa in laga dhex gartaa dadka kale sida laydhka ย qashaafaddu ay guluubada yar yar uga iftiin wayn tahay waa inuu ka iftiin badnadaa xagga meel joogga,maskax furnaanta,garashada,deeqda,iwm

Ka goโ€™naan iyo is xakamayn: hoggaamiyaha waxa looga baahanyahay inu halkan uu dadka ku wado ay isaga ka goโ€™antahay isla markaana uu yahay mid caadifadiisa xakamayn kara haddii uu si fudud u cadhoodo waa in aanu noqon siddii ninkii la yidhiโ€Habar jecloy Muuse waa kaasโ€

Codkarnimo:ย hoggaamihu waa inuu noqdaa qof dadka ย hadalka deeqsiin kara oo gudbin leh waxa jira qof wax badan ama maclumaad badan haya haddana aan soo saari Karin oo aan gudbin Karin,oo aan ahayn codkar.

Goโ€™aan qaadasho: Hoggaamiyaha waxa laga rabaa goโ€™aan qaadasho Matalan haddii dhib ama caqabad kedis ahi ka hortimaaddo waa inuu goโ€™aan qaadasho deg deg ah la yimaaddaa,ka dib marka uu la tashado madaxda ka hoosaysa.

La xisaabtan: ย hogaamiyuhu waa inuu la xisaabtamaa dadka uu maamulayo oo qofkii horumar sameeyay waa inuu dallacsiiyo kii wax ma tare noqda waa inuu hoos u dhigo taas waxay keeni kartaa dhiirranaan shaqada lagu dhiirrado,haddi kale waxay odhanayan kol haddii kii xumaa iyo ka fiicani isku mid yihiin maxaa ina xiijinaya.

Kormeer: Hoggaamiyuhu waa inuu kor meeraa dadka uu xukumayo si uu shaqada hore ugu socoto oo waxa la qabtay iyo waxa dhiman loo ogaado si meesha caqabad ka timaaddo hore looga socdo,dadku haddii aan la kormeerin shaqada way ka fadhiistaan.

Hal abuur iyo ikhtiraac: waxa muhiim ah inuu hoggaamiyuhu wax abuuri karo oo jiho cusub iyo nidaam cusub oo horumar ah keeni karo.

Hoos u eegid hogaamiyhu waa inuu la tashadaa dadka uu maamulayo oo is faham iyo isku xidhnaan ka dhaxaysaa isla markaana uu hoos u eegaa ama xog ogaal u noqdaa arrimahooda hoose.

Dib u kabis: waxa fiican hoggaamiyuhu inuu meesha ay wax ka dhacaan,sida gubashada,masiibooyinka,iska hor imaadyada inuu si deg deg ah u damiyo iyadoo aan xaaladda looga sii daraynin ee caqli lagu wado.

Dadaal xamaasad leh: waa inuu hoggaamiyhu si xamaasad iyo dareen kicin leh dadka u howl geliyaa sida heesta geela loogu carraabiyo oo kale โ€œHobayo Hiddooyโ€

Naxariis iyo u damqasho: hoggaamiyaha dhabta ah maaha danayste waa mid u dabacsan dadkiisa,oo ka jarka ka sii liicaya gacanta soo qabta,oo soo dhoweeya dadkiisa.

Daah furnaan: hogaamiyaha dhabta ahi waa mid daah furan oo kolba wixii jira ama xaqiiqada hoose ee dadku is waydiinayaan daaha ka roga si ay dadku uga shaki baxaan ugana dawoobaan.

Hadaf iyo ujeeddo: Hogaanka wanaagsan waxa uu leeyahay himilo fog iyo ujeedo waxa uu dadka daaqad ka tusaa halka lagu socdo waxanu ku dhiirriyaa inaan la daalin illaa halkaas la gaadhayo.

Guntii iyo gunaanadkii akhriste haddii aad rabto inaad hoggaamiye noqoto isku cabbir inaad waxyaabahn aynu soo sheegnay inaad leedahay ama aad badhkood sidato kolkaas waad u xadhko xidhan doontaa sidaad hoggaamiye u noqon lahayd,waxa kaloo muhiim ah in haddaad cid dooranayso ku aad ku cabbirto xirfadaas iyo qaar kaleba lakiin ha u eegin qabiil,saaxiibnimo ama qof ay dani idinka dhaxayso.

 

Wa billaahi towfiiq

Rashiid Odowaa

063-4101213