Waa kuma Maareeyaha cusub ee Haamaha Shidaalka Berbera (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Aqoonyahan Xassan Axmed Ibrahim Xawar oo ku magacdheer (Ambassi)wuxu ku dhashay 1954 degmada Faraweyne yarantisii wuxuu ka bilaabay Waxbarash ada hoose magaalada Hargeisa 1970s wuxuu u wareegay magaalada Muqdisho,halkaas oo uu waxbarashadisii jaamacaded ku qaattay jaamacaddii Lafoole  bachelor Degree of Education iyo Master of Education waxa kaloo uu qattay master Maamulka iyo maareynta ah,

1993kii  waxa loo magacaabay maamulaha Kastamka Ber-Bera,Xiligii xukumaddii (Cigaal)ka dib wuxuu maamule ka noqday hayadaha samafalka ee ay ka mid yihiin Health Unlimited,ODA,iyo African Educaton Trust halkaas oo uu ka shaqaynayay labatankii Sano ee u danbeeyay,waxa kaloo qaab xidhiidhin(Liason office) u samayn jiray Waddanka Ingiriiska iyo Somaliland Muddo dheer.

Xassan Ambassy waxa lagu yaqaannaa Daacadnimo,karti.iyo Deganaansho waana shakhsi ku fiican Cibaadada leexleexadka iyo Musuqa aad ayuu u necebyahay.

Xassan Ambassi wuxuu la dhashay oo ay xagga hooyo ka walaalo yihiin Abwaanada Caanka ah ee Cismaan Aadan Xuseen(Cismaan askari) Yusuf Aadan Xuseen(Allaale) iyo Axmed Masri,allah ha u naxaiisto dhamaantood.

Waxan Ilahay uga rajaynaynaa inuu u fududeeyo Xilkaas Culus ee uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  HE Muuse Bixi Cabdi Xilkaas oo ah Maareeyaha Haamaha Shidaalka BERBERA.

Waxaa wax ka qoray

Rashiid odowaa