Arrimaha sababa shilalka gaadiidka (Cumar Maxamed “Cumar-Jawaari”)

Hadii aan si cilmiyaysan uga hadlo waxyaabaha sababa shilalka gaadiidka ee hadiyo jeer dhaca waxaa ugu waawayn sida tani, shilalkaasi oo dhameeyay dad badan oo ka mid ah bulshadeena iyo qoysaskeenaba.

1: Wadooyinka oo xumaada: hadii wadadu xumaato isla markaana ay noqoto mid dhib badan maritaankeedu waxay fududaysaa in shilalka gaadiidku bato.

2. Dirawaliinta Gaadiidka oo noqda xirfad laaweyaal: Hadii ay dirawaliinta gaadiidku noqdaan kuwa aan xirfad badan ulahayn wadista gaadiidka kala duwan iyana waxay ka qayb qaadataa in shilalka gaadiidku bato.

3.Ogaansho la,aanta meelaha halista ah: hadii aanay dirwaliinta gaadiidku kasii fikirin meelaha halista shil keeni karta sida, gooladaha, jeexjeexyada ku dhow wadada, meelaha ay cidkale ka talaabayso, laagaha yaryar ee wadadu dul marayso,(slope) meelaha laba wado ku kulmayaan, biriishyada aan sida fiica usamaysnayn iwm, waa in Darawaliinta gaadiidku ka taxadiraan halista ka dhalan karta.

4. Ka fikirid aan haboonayn(improper thinking): waqtiyada qaar waxa dhacda in Darawaliinta gaadiidku aanay sidii loogu talo galay ugaba fikirinba talaabo haday qaadaan shil dhalin karta taasoo sida badan ka dhacda gudaha magalooyinka waawayn, tusale ahaan in Darawaliintu iska indho tiraan sharciyada wado marista oo ay ku dhiiradaan qaladaad aan haboonayn.

5.Dabeecadaha qaldan ee wadista gaadiidka(wrong Driving Habits): Darawaliin badanbaa waxay aaminsanyihiin in qaladaadka ka imanaya aqoon darada wadista gaadiidku aanay wax dhibaato ah samayn doonin, lkn ay dhalinayso dhibaato fara badan.

Hadaba waxyaabahasi aan ka soo hadlay waa waxyaabo inta badan sababa shilalka Gaadiidka kuwooda ugu xun, walaw ay jiraan waxyaalo kale oo iyana keeni kara shilalka gaadiidka.

Kudarsoo wadan kastaaba waxa uu leeyahay cid ama Wasaarad uga masuul ah shaqo kasta oo qaran oo wadan ka jirta, shilalka gaadiidka dhibaatooyinka ka yimaada sida badan waxa tunka uridata Wasaarada Caafimaadka waayo waa halka lagu dabiibo, lagulana tacaalo inta ka badbaaday shilalka gaadiidka. Halka ay shuruucda gaadiidka lagu maamulayo sida Bixinta Liisamada, hubinta aqoonta Dirawaliinta iwm inta badan ay masuul uga tahay qaran kasta Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidku.

Isku soo wada duuboo Somaliland oo ah halka Allah igu abuuray ee aan ku dhashay kuna soo barbaaray waxa maalin kasta qorax soo baxday dhacday aan arkaa ama maqlaa ama ka dhaca shilal kala duwan oo waliba ka baaxad badan xaga dhimashada(Death rate ) iyo dhaawacaba(injury rate) kuwa la mid ka ah ee ka dhaca dhulka kale aduunka ah. hadaba iswaydiintu waxay tahay waxyaabaha qaar miyaa awood loo waayay in la xakameeyo? waxyaabaha qaar miyaa la awoodi waayay in lagu dhiirado in la yareeyo shacab iyo dawladba? waxyaabaha qaar miyay dawladu ku dhiiran garan wayday inay samayso? maxaa ilaa hada inaga haysta inaan ka gudubno caqabadahan?

Wa billaahi tawfiiq……………………………………..