Nin diyaarad uu wade ka ahaa ku weeraray gurigiisa kadib markii ay xaaskiisa isku dhaceen

Duane Youd oo 47 jir ah waxay isku dhaceen xaaskiiska, kadibna aad ayuu u cadhooday waxaanu soo kaxaystay diyaarad uu wade ka ahaa oo nooceedu yahay Cessna Citation. Goor saq dhexe ah ayuu diyaaraddii la beegsaday kuna dhuftay gurigiisa oo qiimihiisu ahaa 500,000 oo doollar kaas oo ku yaalla Payson, Utah. Sidaa waxa weriyey wargeyska caanka ah ee Ingiriiska ka soo baxa ee Independent.

Muuqaalka guriga uu Duane Youd ku burburiyey diyaaradda

Xaaskii iyo wiil uu dhalay oo 17jir ahi way ka badbaadeen waxaanay burburka guriga ka dhex baxeen iyagoo nabad qaba, laakiin Duane laftiisii ayaa shilkaa ku naf waayey gurigiina wuu burburay oo dab ayaa qabsaday.

Sida uu sheegay Saajin Noemi Sandoval of oo ka tirsan booliska magaalada Payson ee cariga Maraykanka, Duane Youd waxa la soo daayey Isniintii ina dhaaftay, kadib markii la xidhay mar uu gacan u qaaday xaaskiisa oo uu muran dhex maray xilli ay socod jimicsi ah ku jireen meel aan ka fogayn gurigooda wakhtigaas oo la sheegay in labadooduba ay khamri cabsanaayeen. Hase ahaatee waxay boolisku ku sii daayeen dammiin.

Dhakhaatiirta ayaa tibaaxay in qoyskan murankiisku uu in muddo ahba jiray haatana ayba u socotay barnaamij nafsiyeed ay dhakhaatiirtu kula talinayeen kuna badbaadinayeen qoyskooda oo burbur qarka u saarnaa.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga yaabay oo sii jiidatay indhaha saxaafadda.

Bandhige@gmail.com