Waa kuma ninkan? Maxaase ku jira Boorsada cagaaran ?

Waa Sheikh Saleh Al Shaiba oo ah qofkii 108-aad iyo tafiirtii Cuthmaan ibn Talxa (RC) oo Nebi Muxamed (صلى الله عليه وسلم) u dhiibay furayaasha kabcada oo ku jira boorsada, una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda.

Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada daktoorada ka qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buuggaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka.

Saleh Al-Shaibi waxa uu noqday sii hayaha furaha Kacbada sannadkii 2013 ka dib markii adeerkiis Abdulqader Taha Al-Shaibi uu geeriyooday. Sida dhaqanka ah, furaha waxaa haynaya qofka ugu da’da wayn reerkaas ee Banuu Shaybah.

Sheekh Saleh al-Shaiba oo sida furayaasha Kacbada, ee albaabka Tawba ee sahlaya in la galo saqafka Kacbada iyo Maqam Ibraahim [Sawir].