Waa maxay sababta hoos-u-dhaca Doollarku sare ugu qaaday qiimaha waxa la soo dejiyo? (WQ: Cali Ismaaciil Mire)

Doollar-ka ayaa hoos-u-dhac weyni ku yimid kadib markii ay dawladdu wada-xaajood la yeelatay sarif-layaasha waaweyn ee caasimadaha dalka iyo sidoo kale markii ay wax-ka-beddel ku samaysay xadiga lacagta Somaliland Shilling ee suuqyada dalka yaalla.

Hoos-u-dhacan sarifka ayaa sababay in qiyaas ku dhow 15% sare u kaco qiimaha shilling-ka Somaliland marka la barbar dhigo Doollar-ka, waxana la filayay in uu hoos udhigo sixir bararka kajira dalka. Laakiin nasiibdarro waxba kama tarin oo qiimayaashii lagu iibinayay waxa la soo dejiyo sare ayaabay u kaceen halk ay ka ahayd in ay hoos u dhacaan.

Haddii lacagta dalka qiimaheedu sare u kaco marka loo eego lacagta dibedda sida Doollarka, dhammaan qiimaha waxa la soo dejiyo hoos ayay u dhacaan qiimaha wixii la dhoofinayana sare ayuu kacaa. Aynu tusaale kooban oo xaqiiq ah ka bixino sida waxa la soo dajiyo qiimaheedu hoos ugu dhaco marka qiimaha lacagta dalku sare u kaco.

Kasoo qaad ganacsade Cabdi waxa uu bariiska ka keenaa Hindiya. Gadbadda bariiska ah marka uu soo dajiyo waxa uu halkan k asiiyaa $26. Haddii sarifka $1 uu yahay 8,000slsh, waxa uu gadbadda bariiska ah siinayaa 208,000slsh (26*8,000slsh).ย  Ka soo qaad sarifka Doollar-ka ayaa hoos u dhacay sida imikaba dhacday oo $1 ayaa noqday 6,500slsh. Imika gadbaddii bariiska ahayd ee uu siinayay 208,000slsh ($26) waxay noqonaysa 169,000slsh (6,500slsh*26). Sida muuqata iyada oo qiimaha gadbadda bariiska ahi aanay Doollar ahaan isku beddelin oo ay tahay uun $26 haddana qiimaheeda lacagta dalku (Somaliland shilling) waxay hoos u dhacday 39,000slsh. Taas marka si kale loo dhigo waxay noqonaysaa gadbadda bariiska ahiย  jabtay qiime dhan 39,000slsh marka lagu iibinayo Somaliland Shilling sababta oo ah qiimaha lacagta dalka (Somaliland shilling) oo sare u kacay 15%.

Iyada oo sida halkan aynu ka aragno loo baahnaa in allaabta lasoo dajiyaa jabto marka sarifka Dollar-ku hoos u dhaco hadana qiimayaashii dhamaan wixii lasoo dajinayay iskadaa inay hoos u dhacaane sare ayay u kaceen. Tusaale ahaan, Gadbada Bariiska oo qiimaheedu ahaa kahor hoos u dhaca sarifka $26 imika waa $28. Arintani waxay dhibaato dhaqaale ku tahay dhamaan bulshada dalka ku nool. Dadka intooda badan waxay eeda dhibaatadan dusha ka saaraan ganacsatada waxsoo dajisa, dad kale oo badan waxay ku eedeeyaan xukuumada halka qaar badan oo kalena dawlada iyo ganacsatadaba ku canaantaan dhibaatan dhaqaale. Waxaan maqaalkan kusoo bandhigi doonaa sababaha rasmiga ah ee keenay in qiimaha waxa lasoo dajiyaa sare u kaco marka sarifka Dollar-ku hoos u dhaco. Sidoo kale, waxaan sabab kasta oo aaan sheego raacin doonaa xal fiican oo lagu xalin karo.

Sababta koobaad ee keentay in qiimayaasha waxa lasoo dajiyaa kordhaan marka sarifku hoos u dhaco waa cashuurta laga qaado ganacsatada wax soo dajisa. Sida qof kasta oo ganacsiga wax ka yaqaana garanayo, ganacsadaha wax soo dajiyaa waxa uu dajiyaa qiimaha uu ku iibinayo waxa uu soo dajiyo kadib marka uu isku geeyo dhamaan kharashaadka ka galey oo lagu daray cashuurta. Cashuurta waxa lasoo dajiyo waxay dawladu ku cashuurtaa lacagta dalka ee Shilling-ka. Tusaale ahaan Bariiska waxay ku cashuurtaa 10,000slsh gadbadiiba. Markii uu sarifka $1 ahaa 8,000slsh, cashuurta gadbadiiba waxay noqonaysay $1.25 imika oo sarifka $1 yahay 6,500slsh cashuurta gadbada Bariiska ahi waa $1.53. (cashuurta Bariiska ee halkan aan kusoo qaatay maaha mid rasmi ah ee waxaan usoo qaatay tusaale ahaan si aan u fahano. Inaan helo cashuurta rasmiga ah way ii suurto gali weyday).

Hoos u dhaca sarifku waxa uu ganacsatada ku keenay in cashuurtu ay ku korodho $0.28 gadbadii Bariiska ahba. Arintan ayaa sababta in Ganacsadu qiimaha ay ku iibiyaan waxay soo dajiyaan kordhiyaan Dollar ahaan marka sarifku hoos u dhaco sidoo kalena qiimaha ay hoos u dhigaan Dollar ahaan marka sarifka Dollar-ku sare u kaco. Ganacsadu iyaga oo leh cashuurtii ayaa nagu korodhay waxay qiimaha Gadbada bariiska ah ku dareen $2 oo sare ayay u qaadeen Dollar ahaan. Qiimaheeda marka lagu kala iibsanayo Somaliland Shilling-kana waxay ka dhigeen 182,000slsh (28*6,500slsh).

Mar hadii ay sidaas tahay oo sarifka Dollar-ku marka uu jabo qiimahii allaabta lasoo dajiyaa aanay hoos u dhacayn ee ay sare u kacayso maxaa xal ah? Xalku waxa uu ku jiraa in dawladu cashuurta ku xidho sarifka si ay u illaaliso qiimaha ganacsadu siinayso waxay soo dajiyaan. Hadii cashuurtu inteedii ahaato marka sarifku is bedelo waxay noqonaysaa in ganacsadu qiimaha ay wax ku iibinayaan ay bedelaan sida imikaba dhacday. Hadii sarifku aanu fadhiyin waa in cashuurta iyo sarifku wada socdaan oo ay wada kordhaan ama wada yaraadaan. Hadii sidaas dawladu samayso, ganacsatu qiil uma helayso inay bedesho qiimaha Dollar-ka ee ay waxku iibiso.

Arinta labaad ee sababta in qiimaha allaabta lasoo dajiyaa aanay waxba iska bedelin ama korodho marka sarifka Dollar-ku hoos udhaco waa iyada oo suuqyada dalka wax lagu kala iibsado lacagta Dollar-ka oon ahayn lacagtii dalka. Lacagta cad ee Dollar-ka waxa sidoo kale lamid ah lacagta Mobile-ka sida ZAAD-ka iyo Edahab-ka qaybahooda ku samaysan lacagta Dollar-ka. Hadii dalka wax lagu kala iibsado Dollar si kasta oo sarifka Dollar-ku hoos ugu dhaco qiimaha Dollar-ka ee ganacsatadu wax ku iibisaa sidiisii ayuu ahaanayaa oo waxba iskama bedelayaan taasina waa mid dhaqaalaha dalka aan u wanaagsanayn. Dhibaatada kale ee isticmaalka Dollar-ku dadka ku leeyahay waa iyadoo inta uu jarayo Dollar-ku isbadelayo hadii sarifku isbedelo. Tusaale ahaan hadii qof shaqaale ah mushaharkiisu yahay $100 oo Dollar lagu siiyo mushaharka, markii hore ee sarifka $1 ahaa 8,000slsh mushaharkiisa marka laga dhigo Somaliland shilling wuxuu ahaa 800,000slsh markan danbe ee sarifka $1 yahay 6,500slsh mushaharkiisu Somaliland Shilling ahaan wuxuu noqonayaa 650,000slsh.

Sida halkan ka cad waxa mushaharka shaqaalahaasi hoos u dhacay 150,000slsh ah. Dhamaan shaqaalaha mushaharka ku qaata lacagta Dollar-ka si xun ayuu u saameeyaa marka sarifka Dollar-ku hoos u dhaco. Sidoo kale shaqaalaha mushaharka ku qaata lacagta Somaliland Shilling si xun ayuu u saameeya sarifka Dollar-ku hadii uu sare u kaco. Dhibaatani may jirteen ama aadbay u yaraan lahayd hadii Somaliland Shilling-ka oo kaliya dalka lagu isticmaalayo. Dawladu waa inay soo saartaa sharci dhigaya in dalka lagu isticmaalo lacagta dalka oo kaliya. Hadii ay sidaasi dhacdo qiimaha lacagta dalku sare ayay u kici lahayd oo sarifka Dollar-ku hoos ayuu u dhici lahaa inbadan. sidoo kale waxa iman lahayd inay dawladu si dhibyar u maamusho qiimaha sarifka oo waxa laga raysan lahaa isbed-bedelkan sarifka ku dhacaya markasta.

Arinta sadexaad ee keenta in waxba aanay iska bedelin qiimaha lasiiyo allaabta lasoo dajiyo ama uu sare u kaco qiimaha badeecadahu marba marka kadanbaysa waxay tahay iyada oo ganacsatada soo dajisa allaabtu ku heshiiyaan qiimaha ay dalka kasiinayaan waxay soo dajiyaan. Tusaale ahaan waxyaalaha ay soo dajiyaan waxay saaraan lacag faro badan si ay faaโ€™ido badan u helaan oo xataa hadii qiimaha lagasoo siiyaa hoos u dhaco iyagu ma jabiyaan qiimahii ay ku iibinayeen. Arintani waxay dhibaato ku tahay dadka danyarta u badan ee kunool dalka.

Sida ugu fudud ee ay Dawladu meesha uga saari karto heshiiska ganacsatada wax soo dajisa ayaa ah in iyada lafteedu (Dawladu) ay ganacsi bilowdo, tusaale ahaan in iyada lafteedu soo dajiso waxyaalaha daruuriga ah sida Bariiska, Baastada, Sonkorta iyo wixii lamida kadibna ku iibiso qiime macquul ah. Taasi haday dhacdo waxay keeni lahayd in ganacsatadan heshiiska ku ah inay qiime sare wax ku iibiyaan ay hoos u dhigaan qiimaha ilaa qiimaha Dawladu waxku iibinayso. Dawladu ganacsiga waa ay faro-gelin kartaa iyada oo aan suuqa xorta ah waxba u dhimayn, inay qaabkan oo kale u faro galisaana waa sida ugu fiican ee Dawladu hoos ugu dhigi karto qiimayaasha wax lagu iibiyo siiba waxyaalaha daruuriga ah.

Dawladu dadka iyadaa ka masuul ah oo dhibkasta oo dadku dareemaan iyada ayaa loo baahan yahay inay wax ka qabato. Dadka masuuliyadaha u haya dalka aqoon iyo karti kama dhina ee waxa loo baahan yahay in aanay dalka ka shaqaysan ee ay u shaqeeyaan.
Wabillaahi Tawfiiq

Cali Ismaaciil Mire
Jaamacadda Hargeysa
Email: alimire10@gmail.com