Kornayl Tuke oo la soo taagayo maxkamad Maraykan ah

Sida uu daabacay Wargeyska caanka ah ee The Guardian ugu dambayntii Kornayl Tuke oo madax ka ahaa Guutadii Shanaad ee ciidankii Milateriga Soomaaliya waxa la soo taagi doonaa maxkamad rasmi ah  iyadoo muddo dheer loo daba socday dambiyo ka dhan ah aadamaha oo lagu eedaynayo in uu gaystay wakhtigii uu xukunka hayey kali-taliye Siyaad Barre.

Ugu yaraan afar jeer ayuu Tuke ambiil ka qaatay arrinkan isaga oo maxkamadaha kala duwan waydiisanayey in aan dacwad lagu soo oogin maadaama dambiyada loo haystaa aanay la xidhiidhin Maraykan, hase yeeshee waa laga diiday.

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” ayaa 1991-kii markii Soomaaliya lagu kala yaacay u baxsaday Maraykan kadbina markiiba u sii gudbay Kanada halkaas oo uu iska dhiibay. Hase ahaatee dad uu toorjar ku sameeyey markii uu xilka hayey ayaa markiiba dacwad ku furay taas oo keentay in qaxootinimadii loo diiday kadibna uu u dusay Maraykan markii xukuumadda kanada waaran qabasho ah ay u soo jartay.

Dacwaddan haddda bilaabmaysa waxa si gaar ah ugu soo oogay Farxaan Warfaa oo ah oday reer Gabiley ah oo Tuke uu gacantiisa ku toogtay shan jeer kadibna mayd ahaan uga tagay hase ahaatee markii dambe ay dad la baxsadeen isla markaana bedbaadiyeen.

Farxaan Warfaa oo la hadlay wargeyska The Guardiyan bishii Sebtember ee 2015 wuxu yidhi:

“Kiiskaygu wuxu muujin doonaa in aan la ilaawayn taariikhdii madoobayd ee dalkaygu soo maray.”

Kooxda u doodda xuquuqda aadamaha ee la yidhaa Center for Justice and Accountability “CJA” ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayaan go’aanka maxkamaddu ku oggolaatay in dacwad rasmi ah lagu soo oogo Tuke, laakiin waxa ay sheegeen in ay ka xumaadeen in dambiyadii kale ee faraha badnaa ee uu gaystay oo isku dhan aan lagu soo oogayn.

“Go’aanka Maxkamadda Virginia maanta gaadhay waa guul u soo hoyatay caddaaladda, laakiin waa guul aan dhammaystirnayn” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed ay soo saareen kooxda xuquuqda aadamaha u doodda.

Kiiska Kornayl Tuke wuxu noqonayaa kii labaad ee noociisa ah, iyadoo Janaraal Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Xigeenkii hore ee Soomaaliya isagana lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Il-wareed: The Guardian