“Maayarka caasimadu waa shaqsi leh dulqaad dacadnimo uu ugu adeegayo bulshadda soo dooratay”
Maayar Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco markii uu la wareegay xilka ama maamulka dawladda hoose waxay ahayd meel ay wax badani ka qabyo yihiin, maxaa yeelay maamuladii ay xilka kala wareegeen ee ka horeeyey oo ka tagay hawlo fara badan, maanta waad arkaysaan halkay taagan-tahay oo wuxuu isku dayayey in uu wax badan ka bedelo, dhinaca tayeynta shaqaalaha dawladda hoose, qalabaka, Gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida gaadiidka dab-damiska ah iyo waliba kuwa xashiishka lagu guro ee loo yaqaano iska rogooyinka, waliba dhinaca bilicda dhismayaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarumaha Dawladda Hoose ee Caasimadda iyo kuwa laamahaba .
Maayarka Hargeysi waxa uu ku guulaysatay wax ka qabto, isla markaana dib u dhis iyo habeyn ku sameeyo waddooyin badan oo ka mid ah kuwa hal bawlaha ah ee caasimada ku yaalla, kuwaasi oo markii hore xiliyada ay roobabku dalka ka bilaabmaan ay caqabado fara badan kala kulmi jireen gaadiidlayda ka dhex shaqeeya caasimada iyo dadka shacabka ahi. Sidoo kale waxa laga raysay intii uu maayarkani xilka uu qabsaday iliiladihii biya mareenada ahaa ee ay qashinku iska soo buuxin jiray marka uu daadku soo maro.
Haddaba, marka aynu hoos u eegno ama qiimayno wax-qabadkii faraha badnaa ee dhinaca horumarinta arrimaha bulshada, bilicda Hargeysa, hagaajinta waddooyinka, dhismaha noocyadiisa kala duwan ee Hargeysa iyo nawaaxigeeda.
Waxay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay gaar ahaanna dadka aqoonta leh ee wax cabira in aan qofna hil maami karin horumarka muuqda ee Maayer Soltelco ka hirgeliyey Hargeysa. taasina ay tahay sababta ay madax fara badani ku guddoon siiyeen shahaado sharafyo uu ku mutaystay waxqabadkiisa waxay munaasibad uu mar labaad isugu sharraxay golaha deegaanka oo lagu qabtay Hargeysa ku guddoonsiisay Duqa Degmada Hargeysa Soltelco.
Waxaan anigu shaqsiyan ku talin lahaa in uu Maayer Soltelco loo daayo hoggaaminta iyo gacan ku haynta maayarnimada Hargeysa.
Sidoo kale qaar badan oo ka mida bulshada Somaliland ee jecel horumarka waddanka ayaa aad u danaynaya in Maayar Soltelco uu xilka maayarnimada Hargeysa sii hayo intaa in ka badan taas oo ay ku muujiyeen wax-qabadkiisa muuqda ee uu sameeyey muddadii koobnayd ee uu Maayerka ka ahaa, taasoo ay ku doodeen in uu mudan yahay in uu sannado badan sii joogo xilkaasi.
Waxaana uu si hagar la’aana ugu adeegaa bulshada caasimada si uu bulshada utuso Cabdiraxmaan Solteco shaqsiga uu yahay kartidiisa iyo aqoontiisa dabeecadiisa iyo siyaasadiisa hoggaamineed ee durugsan.
Waxa meel walba ka muuqda oo xusuus mudan waddooyinka bilicda leh ee uu Soltelco ka hirgaliyey daafaha kala gadisan ee gobolka maroodi jeex ee Hargeysa iyo waliba deegaannada hoos tagaa aanay ahayn wax halkan lagu soo koobi karo, markaynu si dhaba u eegno ama u milicsanno horumarka uu Dowladda Hoose ee Hargeysa gaadhsiiyey muddadii uu xilka hayey waxa markhaati ma-doon ah, oo si cad u muuqata wax tarkiisii.
Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa soo iibsatay qalab lagu dhisayo waddooyinka kaasi oo ah wershad isku qasaysa daamurka iyo Jayga iyo gaadiidkii ka shaqaynayay, qalabaasi oo laga soo iibiyay dalka Itoobiya.
Qalabkan dhismaha ee ay soo iibsatay dawladda hoose ee Hargaysa oo soo gaadhay caasimadda ayaa noqonaya qaybtii labaad ee qalabka dhismaha waddooyinka oo ay soo iibsato dawladda hoose ee caasimadda muddadii uu xilka hayey Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco”.
Maayar Soltelco oo ka warbixinayey qalabkan iyo noocyadiisa waxaanu sheegay in qalabkani uu noqonayo wejigii labaad ee soo gaadha Hargaysa, iyadoo sannadkii hore la keenay qaybo ka mid ah qalabkani. Cabdiraxmaan Soltelco, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi:
“Qalabka halkan maraysaa waa wejigii labaad ee qalabka dhismaha waddooyinka. Waxaa halkan marayaa waa wershaddii Jayga ridqaysay oo 150 tan soo saaraysa saacadiiba. Waxaana hore u yimid iska-rogooyinkii, Beldhowsartii, Bayfartii iyo iskaafeetarkii.”
Maayarka ayaa sidoo kale waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Marwada koowaad oo uu sheegay in ay gacan ka gaysteen dedaalkii qalabkan lagu soo iibiyey.
Geesta kale waxa aan iyaguna ka maqnayn Waxqabadka iyo horumarinta balaadhka iyo baaxadda leh ee uu ku talaabsaday wakhtigii ama mudadii uu xilka Guddoomiyenimada ee golaha deegaanka Hargeysa hayey Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” waxa ka mid ah adeegyadda mihiimka ah iyo dib u dhiska uu ku sameeyey qurxinta iyo casriyeynta uu ka hirgaliyey Hargeysa waxa ka mid ahaa samaynta adeega qaaliga ah ee kala-haga gaadiidka “ishaarooyinka”, hirgalinta wawdooyin fara badan oo mihiin u ah bulshadda, samaynta biraha laydhka waawayn ee ku xidhan waddooyinka halbowlaha ah ee caasimadda kuna shaqeeya qalabka Solarka ama dab dhaliyaha cadceeda kaas oo wada shiday guud ahaan jidadka ay maraan gaadiidka kala duwan iyo dadkuba.
Markaa waxay qiimayntu u taallaa dadka wax qiimeeya ee reer Somaliland oo intooda badani diyaar ula yihiin Soltelco in ay mar walba u doortaan maayarnimada Caasimada, waxaana cad horumarka iyo waxqabadka uu ka sameeyey dalka muddadii koobnayd ee uu xilka guddoomiye-nimada hayey sidaa daraaddeed, danta dadka iyo degmada Hargeysa-ba waxay ku jirtaa in uu ahaado Maayer Soltelco iyaga oo qiimaynaya wax-qabadkiisa .
Sidoo kale waxa ay sheegaan dadka aqoonyahanka ahi in maayarka ay ka go’an tahay waxqabadka balaadhan, horumarka caasimad ah oo dhinac wax-qabadka ah daacadnimo karti dulqaad iyo deganaan ku guto, sooyaalkiisa taariikheedna wax badan ka taro mustaqbalkana ugu gudbo siyaasada hoggaamineed oo heer qaran ah.
Maayar Solteco ayaa lagu tilmaami karaa masuul wax weyn ku soo kordhiyay dalka, isagoo weliba inta uu gartay masuuliyadii uu qaranka iyo bulshadiisaba u hayay dheeraad ku sii daray. Isla markaana muujiyay hawl-kanimo iyo in uu si daacad ah ugu adeego bushadiisa, kana soo baxay masuuliyadii loo igmaday.
Wuxuu muujiyay sida uu ugu heelan yahay in uu bulshadiisa gaadhsiiyo horumar, isla markaana waxa uu dedaal dheeraad ah u galay sidii ay bulshadiisu u heli lahayd waddooyin laamiyo ah oo dhisan, nadaafad iyo guud ahaan magaalo dhisan, kaasi oo aynu wada og-soonahay qiimaha iyo qaayaha ay u leeyahay guud ahaanba dalka gaar ahaana gaadiidka.
Maayarkan oo ah nin dhallinyaro ah waxa hubaal ah in taariikhdu ay xusi doonto, isagoo baal dahab ah ka geli doona sida wanaagsan ee uu ugu shaqeeyay ummaddiisa.
Waana shaqsi ku ammaanan hawsha qiimaha leh ee uu qabtay, isla markaana mutaystay bilad iyo shahaado sharaf in lagu siiyo, oo weliba lagu ammaano laguna hambalyeeyo wax fiican ee uu qabtay.
Waxa Curiyey: Fahad M.M. Caraal
Tell:0634699390