15,000 oo qoys oo ku barokacay abaaraha ayaa soo gaadhay Daarasalaam, Waqooyiga Hargeysa

 

Abaartii sannadkan saamaysay deegaannada galbeedka Somaliland ayaa barokicisay dad qoysas aad u tiro badan kuwaas oo qaarkoodna ku xoolo waayeen kuwo kalena wax yari uga sii hadheen xoolahoodii.

Idaacadda Ergo oo ka warbixisa arrimaha la xidhiidha bani’aadanimada ayaa sheegtay in kumanaan qoys ay ku soo qulqulayaan tuuloyinka ku yaalla waqooyiga Hargeysa oo hoos yimaad degmada Daarasalaam.

Xoghaya Degmada Daarsalaam Fuaad Sheekh Ibraahim ayaa Ergo u sheegay in tiro qoysas ah oo uu ku qiyaasay 15,000 ay soo gaadheen degmada.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in abaarihii sannadkan saameeyeen 80,00 oo qoys oo ku noolaa Awdal, Togdheer iyo qaybo ka mid ah galbeedka Somalialnd.

Maxamed Muuse Cawaale, Agaasimaha Hayadda Ka-hortagga iyo Maaraynta Masiibooyinka “NERAD”, ayaa sheegay in dadka abaaraha ku bara kacay iyo xoolahoodu aanay haysan cunto iyo biyo ku filan, taasina ay keentay in ilaa hadda ay xooluhu rabdad rabdad u le’anayaan.

Maxamed Muuse wuxu sidoo kale sheegay in carruur badani ay qarka u saaran yihiin in ay nafaqo-darro u dhintaan haddii aan loo gurman.

Abaarahan ayaa ka dhashay ka dib markii laba sanno oo isku xigta ay goobahani waayeen roobkii gu’ga. Hay’adda Ka-hortagga iyo Maaraynta Masiibooyinka ee NERAD ayaa sheeggtay in haddii roobabka gu’gani curan waayaan la filan karo masiibo bani’aadanimo oo daran.

Bandhige@gmail.com