Madaxweyne Barak Obama ayaa waxa uu booqday Masaajid ku yaalla Baltimore, booqashada ayaa waxa ku soo beegmaysaa wakhti ay siyaasiyiinta u tartamaya qaar ka mid ahi muujiyeem Muslim nacayb gaadhsiisan in la mamnuuco Maraykanka dadka Muslimiinta ah ee soo galaya.
Obama oo ka dhex hadlayey Masaajid dhexdiisa ayaa waxa uu cambaareeyey hadalada xanafta badan ee ka soo yeedhay siyaasiyiinta ee dhanka ka ah Muslimiinta.
Cambaareynta Obama ayaa waxay toos u abaaraysay musharaxa Donald Trump iyo qaar kale oo aaminsan fikirka Donald Trump.
Booqashada Obama ayaa noqonaysa booqashadii ugu horeeyey ee booqdo Masaajid tan iyo intii uu xilka hayey.
Sidoo kale xoghaya Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa waxa uu booqday sannadkii hore Masaajid ku yaal Jabuuti.