Tafsiir Socday muddo dhan sannad iyo afar bilood ayaa waxa xalay lagu soo gunaanaday Masaajidka Sheekh Nuur oo ku yaala Bariga Hargeysaย ย gaar ahaana ee xaafada New Hargeysa.
Gunaanadkan Casharkan Tafsiirka ah ayaa waxaa ka soo qayb galey Culimo udiin, Cuqaal, Aqoonyahano iyo dadweyne kale.
Furitaankii Munaasibadan ayaa waxaa ka Hadley sheekhii Tafsiirkii marinjirayย ย Axmed Macalin Cabdilaahi waxaanu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in diinta la barto yar iyo weynba isagoo xusay in ay Musaajidkan ka aflaxeen Culimo badani isla markaana ay hadana ka socdaan musaajidka casharo diini ahi.
Guddoomiyahaย Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga (Jimciyatul Axbaab) Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahiย ย waxaanu ugu horeyn bogaadiyey Culimada kala duwan ee dhamaysatay casharkan Tafsiirka ah ee socday muddada sannadka iyo badh ka ah.
Guddoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahiย Waxaa si qoto dheer uu ugu hadley qiimaha waxbarashada diinta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la barto caruurtana lagu barbaariyo diinta islaamka.
Guddoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahiย ย ย waxaa uu bahda warbaahinta ka codsaday in ay dar-dargaliyaan baahinta Casharada diiniga ah ee ka socda Masaajidada isla markaana ay qaybtooda ka qaataan
Sidoo kale Waxaa Halkaasi hadalo dar-daaran iyo Ducoba ah ka jeediyey Culimo u diin ay ka mid yihiin Sh. Axmed Caabi Cabdi, Sh.Axmed Dhimbiil, Pro.Axmed Cabdi Dacar, Sh.Ibaraahin Yuusuf guuleed
Iyo Sh, ibraahim Diiriye Bilaal
Dhammaan Culimadaasi ayaa bulshada reer Somaliland ugu duceeyeen bash-bash iyo badhaadhe waaraย ย iyagoo ilaahay uga rajeeyey in uu cirka raxmaad ka siiyo , abaarahana ka soo jabiy.