Qaraxii diyaaradda Daallo oo baadhitaannadu muujinayaan in ahaa bam

 

Il-wareedyo ka soo baxaya xukuumadda Maraykanka ayaa tibaaxaya in baadhitaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaa in wixii ka dhex qarxay diyaaradda Daallo Salaasadii uu ahaa bam sida uu qoray wargeyska caanka ah ee The Guardian.

Qaraxani wuxu sababay dhimashada hal qof oo ka soo dhacay diyaaradda oo hawada ku jirta kadb markii uu qaraxu god weyn ka banneeyey meel in yar uun ka sarraysa baalka diyaaradda halkaas oo sidoo kale ah taangiga shidaalka.

Qaraxu wuxu diyaaradda ka dhex dhacay 15 daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay iyadoo ka duushay Maddaarka Muqdisho. Markii uu qaraxu dhacay diyaaradu waxay dhulka ka sarraysay 11,000 oo fuudh. Duuliyeyaashii diyaaradda ayaa ku guulaystay in qaraxa dabadii ay dib u fadhiisiyaan maddaarkii ay ka kacday.

Duuliyihii diyaaradda Vladimir Vodopivec oo ah 64 jir Seerbiyaan ah ayaa sheegay in lagu wargeliyey in wixii diyaaraddiisa ka dhex qarxay uu bam ahaa.

“Wuxu ahaa qaraxii iigu horreeyey, waxan rajaynayaa in uu noqdo qaraxii iigu dambeeyey” ayuu yidhi Vladimir.

Muuqaal fiidyow ah oo uu diyaradda dhexdeeda ka duubay Safiir-xigeenka Soomaaliya ee Maraykanka Cawaale Kullane ayaa muujinaya argagax ku yimid 74 oo rakaab ah oo diyaaradda saarnaa iyo saqadh dheer oo qaraxa dabadii ay samaynaysay dabayshii diyaaradda ka soo galaysay godkii qaraxu banneeyey.

Telefishanka CNN ayaa maanta baahiyey khabiirro qiimayn ku sameeyey godkii diyaaradda ka bannaanaaday kuwaas oo sheegay in waxa sababay uu bam yahay.

“Xataa bambka waxa lagu rikibay meel diyaaradda markaaba baabiin karta, halkaas oo ah taangiga shidaalka agtiisa. Way iska caddahay waxa qaraxa sababay in uu bam yahay” ayay yidhaahdeen khubaradu.

In kastoo ay weli baadhitaannadii socdaan, haddana waxa dad badani ay farta ku fiiqayaan kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta xukuumadda Federaalk Soomaaliya isla markaana qaraxyo is-daba-joog ah ka gaysta magaalo-madaxda Soomaaliya, Muqdisho.