Waalidnimada Tolmoon Iyo Barbaarinta Carruurta Yar Yar (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Waalidnimadu waa shaqada ugu haboon ee uu qof aadane ahi qabto marka laga reebo caabudista Rabbi oo ah muhiimadda koowaad ee loo abuuray Jinka iyo Aadamahaba. Hadaba , si uu qofku u noqdo waalid tolmoon oo awood u leh maaraynta ubadkiisa waa in uu fahmo muhiimadda ay u leedahay in uu noqdo waalid tolmoon iyo habraaca lagama maarmaanka  u ah fulinteeda. Si la mid ah sidaas, waxa ay  caalinno badan oo cilmiga bulshada aqoon durugsan u lihi ku talinayaan muhiimadda koobaad ee barbaarintu in ay tahay sidii loo dhabeyn lahaa   in ilmuhu yeesho  habdhaqanka iyo hab fikirka uu waalidku la rabo ilmaha. Haddaba , waxa saamayn ku leh deegaanka,  in sida waalidku doonayo uu ilmuhu noqdo,  waanay adkaanaysaa haddii aanu waalidku wakhti badan u hurin.

 

Waxa aan muran ka taagnayn in  mar kasta oo aynu fahano isbeddellada  ilmaha iyo baahiyihiisu ay tahay  mar kasta oo aynu ilmaha u horseedi karno in uu ku noolaado deegaan feyaw oo aan dhibaato ku haynin . Waxa kala duwanaansho badani u dhexeeyaa , hab nololleedyadii horre iyo kuwan casriga ah . Sidaa darteed , waxaynu dareemaynaa in taariikh ahaan , Soomalidii horre ama bulshooyinka kale ee caalamkuba ay u degi jireen beel beel iyo hab isku dhow oo bulsho is xigteysanaysa ayuunbaa wada jaari jirtey, taasina waxay suurto gelin jirtey in ilmaha barbaarintiisa iyo edbintiisu aanay waalidka oo keliya ku koobnaanin e xigtada kalena ay doorkooda ka qaadan jireen sidii loo sixi lahaa habdhaqanka ilmaha loona toosin lahaa khaladaad kasta oo lagu arko.

 

Laakiin, xilligan aynu ku jirno waxaa ina saameeyay isku-furanka dunida , oo keenay in waalidiin badani aany  haysan qaraabo ka caawisa barbaarinta carruurta. Sidoo kale , waalid kasta wuxuu aaminsnyahay in carruurtiisa  sida uu u barbaarinayaa ama u tarbiyadaynayaa ay tahay  sidii ugu haboonayd ,balse way addagtahay in carruurta uu waalidku maareeyo adduunkan casriga ah tiiyoo ay sabab u tahay fariimaha kala jaad jaadka ah ee uu ilmuhu ka helayo deegaanka ku xeeran .Sidaa darted , waxa lagama maar maan ah in ay waalidiintu ka faa’iideystaan fursad kasta uu u sahlaysa in ay nodaan waalid tolmoon.

Waa Maxay Waalidnimada Tolmooni?

Waalid kastaa wuu jecelyahay carruurtiisa , laakiin si ka duwan sidaaa,  carruur badan ayaan u arkin ama dareemaynin in la jecel yahay . Sidaa darted, waalidnimada tolmooni waa in aad fahantid ilma/canug   kastaa in uu yahay mid gaar aha oo ka duwan kuwa kale , waana in uu waalidku fahmo sida uu ilmahiisa u dareensiin karo jaceylka uu u hayo. Hanaanada aad ku dareen siinaysaa , waxa ay noqon karaan dhegaysi oo ah in aad ilamaha u muujiso ixtiraam marka uu kula hadlayo , dhegaysatana  waxa uu jecel yahay in uu kuu sheego  ammaam waxa ay noqonaysaa ammaan oo ah aad ammaanto marka uu la yimaado waxqabad togan  , iyo in aad dhiiri geliso adiga oo u noqonaya tusaale muuqda.

Intaa waxa dheer , maaha waalidka tomooni in ay ka fikiraan  keliya xaaladda markaa taagan laakiin waxa muhiim ah in mid kastaaba naf ahaantiisa weydiiyo su’aalo dhawr ah , sida :-

Sidee ayaan xaaladdan uga dhigi karaa mid carruurtayda u waangsan oo ka caawisa koriinkooda iyo horrumarkooda ?

Wa maaxay qiyamyada shaqsiyeed ee aan doonayo in uu yeesho ilma kastaa?

Dabeecaddayda ma uga dhex muuqan karaan carruurta  qiyamyada aan doonayo in ay doortaan ?

Ficiladaydu maka caawinayaan ilmaha in uu noqdo mid masuul ah oo dadnimo suuban leh?

Ma ka  dhigi karaa jewiga qoyska meel ay carruurtu  mar kasta ku dareemaan farxad iyo in la jecel yahay ?

Fa’iidooyinka Ku Jira Waaalidnimada Tolmoon

Waalidnimada tolmooni waxa ay wanaajisaa geibi ahaanba xaaladda qoyska waxayna ka  dhigtaa deegaan ay carruurtu ugu barbaaraan si hoboon kuna joogteeyaan akhlaaq wanaaggooda. Sidoo kale,  carruurtu marka ay ku barbaaraan in la jecel yahay , had iyo jeer waxa ay yihiin kuwo bilaa welwel ah oo caafimaad qaba.

Badanaa , waalidku kama sina nooca ay u barbaariyaan carruurta waanay ku kala hanaan duwan yihiin tiyoo ay sabab u tahay waalid kasta khibrada uu u leeyahay  , si lamid ah sidaas , carruurtuna isku nooc uma barbaaraan,  waxa dhici karta in laba carruur ah oo isla qoys kali ah ku nooli ay yihiin kuwo kala duwan hab dhaqan ahaan iyo hab fikir ahaanba. Dhammaan walidku waxa uu hanaanka uu carruurta u barbaarinayo ka keenaa waalidka. Hadaba , waa in aad is weydiiso hanaanka aad carruurta u barbaarinaysaa in ay  tahay mid tolmoon oo wax tar leh  ?

Ma Jiraa Hab Guud Oo Carruurta Loo Bar-baariyaa ?

Maya  ayay noqonaysaa jawaabtu , oo ma jiro guud ahaan hab keli ah oo la isla qaatay oo loo barbarin karo carruurta .Maxaa yeelay ,  ilma karta iyo qoyskastaaba waa kuwo gaar ah oo a duwan kuwa kale , kaas oo leh taariikhdiisa gaar ahaanneed iyo habab isiga u gaar ah oo uu shay’yada u maareeyo .Laakiin waalidka tolmooni wuxu ka fikiraa habka uu doonayo in uu ilmihiisu u barbaaro ama uu noqdo. Tan micnaheedu maaha in uu ka fikiro shaqada uu qaban lahaa iyo sidii weligii uu u sii noolan lahaa, laakiin waxa uu ka fikiraa qofka uu noqon lahaa ilmahiisu iyo qiyamka uu yeelan lahaa kuna dhaqmi lahaa.

Sidee Ayaad U noqon Kartaa Waalid Tolmoon ?

Carruurtu waxay jecelyihiin in ay ogaadaan oo ay waalidka ka dhex arkaan muhiimadda ay leeyhiin .Sidoo kale ,adiguna waxaad jeceshahay in carruurtaadu ay noqdaan kuwo illaa xad wanaagsan.Haddaba ilmahaagu keliya wuxuu kaaga baahan yahay in aad tusto kalgacaylka aad u haysaa in uu yahay mid aan shuruudi ku xidhnayn oo geed’ ka-go’an ah  oo aan lahayn dhamaad iyo naaqusid midna , in uu sii kordho mooyaane. Bar ilmahaaga in shay kasta oo uu qabto cida uu uu u qabanayaa  ay tahay naftiisa naftiisa , siina kalsooni .Dhagayso oo illaali niyad ahaan iyo jidh ahaan labadaba .

Marka  lagu  leeyahay illaali jidh ahaan iyo niyad ahaan , waxa looga jeedaa in aad ka war hayso oo aanad  si buuxda ugu aaminin marka aad kaga maqan tahay qof kale oo daryeele ah , lana hubi mar kasta in uu ilmuhu ama ilmayowgu yihiin kuwo bed qaba, waxa kale oo aad ogaataa, inta aanad ka tegin in qofka aad ilmaha kaga tegaysaa uu yahay uu yahay qof jidh ahaan iyo niyad ahaanba kaafiyi kara baahiyaha ilmaha. Ilmuhu keliya uma baahna cunto, hurdo, waxbarsaho iyo nasaho , laakiin , wuxuu u baahan yahay in lagu abuuro kalgacal iyo kalsooni badan iyo taageero nafsaani ahaaneed oo xoogan.

Adduunkan aynu joogno waxaa ku dhaqan carruur aad u tirro badan wayna sii badan doonaan sannadba sannadka ka dambeeya, basle carruurahan gebi ahaan waxa la ogaaday in ay jiraan aalado badan oo carruurta farxad siin  kara xilliyadooda ay firaaqada leeyihiin , waxaana ka mid ah sida Internetka iyo Ciyaaraha electroniga ah (Play station ) , laakiin waa in lagu maamulo ilmaha istimcaalka aalaadahan si aanu wakhti badan ugu hurin , loogana illaaliyo khataraha kale ee ay ku yeelan karaan. Haddaba waalidka tolmooni waa in uu markana is weydiiyo su’aalo dhawr ah ?

  1. Ilmahaagu ma dareen san yahay jacaylka aad u hayso ?
  2. Xeerarka lagu maamumalayo ilmahu siduu u arkaa , ma kala hadashay , oo ma yihiin qaar cadaalad ah ? Tusaale ahaan , waxaad odhan kartaa ilmahaaga kala dooro in aad caawa daawato barnaamijkan oo aad dhamaysato iyo in aad wiiga dambe ee soo socda saacado dheeri ah daawato barnaamijyo kale , haddii uu doorto in uu caawa daawado barnaamijkan , u sheeg in aanu daawan doonin wiigan soo socda saacadihii dheerigaa ahaa.

Muhiimadu , waa in ilmahaagu barto go’aanka iyo cawaaqibka kaga soo baxa in aanu cidna u eersanin.

  1. Ma uga mahad celisaa ilmahaaga niyad samaanta?
  2. Ma u ogashahay ilmahaagu in uu maro caqabado la xidhiidha go’aankiisa (caqabadahaasi waa in aanay noqn kuwo ku keenaya dhaawac niyad ahaaneed ama dul ahaanneed)

Sidee Ayaad Ilmahaaga Uga Dhigi Kartaa Mid Is Aaminsan?

In uu qofku is aamino  waa in uu yeesho han sarre , hankuna wuxuu ku salaysan yahay saddex qaybood oo waawayn  oo kala ah :

  1. Isku Kalsooni: Iksu kalsoonidu waxa ay ka timaadaa kartida iyo in qofku is maqashiiyo waan qaban karaa , tusaale ahaan carruurta ka weyn lix jirku waxay leeyihiin xirfaddaha nolosha ee aas aasiga ah sida habka cuntada loo cuno, habka loo lebisto iyo habka dadka loola xidhiidho dadka iyagoo isticmaalaya luuqad saafi ah .Xilligan ,  waxay diyaar u yihiin in ay sii kordhiyaan xirfaddahan oo ay bartaan xirfaddaha  kale ee bulshada sida kubadda  , sawir gacmeedka IWM .Sidaaa darted, waxay u baahan yihiin in kalsooni la siiyo iyadoo la dhiiri gelinayo, ilmuhuna wuxuu sidaa ku aamini karayaa in uu qaban karo hawshan, wuxuuna qabashadeeda ka helayaa kalsooni  kalsooniduna waa qaybaha ugu waawayn ee ilmaha geliya hanka.
  2. Ka tirsanaansho: Ilmuhu wuxuu u baah yahay in la tuso oo si xoogan loo dareen siiyo in uu yahay mid qiimo wayn ku leh qoyska dhexdiisa , sidiisana uu u yahay qof la jecelyahay tiiyoo aan la tix gelinayan waxa uu qabanayo. Tan qudheedu , waxay ilmaha gelinayaa han sare.
  3. Qiime gelin: Qof kastaaba wuxuu ogaada qiimaha uu leyahay marka aan keliya loo sheegin in uu qiimo leeyahay laakiin la tuso in uu qiimo leeyahay . Sidaas oo kale ,tus ilmahaaga inuu yahay qof qiimo leh oo u qalma in la tix geliyo , ugana mahad , kana caawi hawl kasta oo qabanayo illaa inta uu noqonayo mid karti ahaan awooda qabasahada hawlaha.

Ugu dambayn , waxa ay qormadan koobani ku tustay in waalidnimada tolmooni ay tahay mid aad u fudud oo u baahan inla dhiso xidhiidha ilmaha  iyo waalidka u dhexeeya , tiiyoo lagu bilaabayo sidii ilmaha loo garadsiin lahaa  inuu yahay qof la jecel yahay markasta iyo meel kasta. Sidoo kale ,  faraxad gelinta ilmaha iyo fahanka baahiyihiisa ayaa qayb laxaad leh ka ah waalid nimada tolmoon, tiiyoo , laga illaalinayo dhaawac jidheed iyo mid niyad ahaaneed labadaba.Intaa waxa dheer , taagaradda nafsaaniga ah ayaa ka muhiim san adeegyada kale ee ilmuhu helayo.

WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”