Waayaha Nolosha iyo Waayadan! (WQ: Sahra-kiin Kaahin)

Beenta, Caaddifada aan waxba ku dhisnayn, ficilka, xinka, naceybka, cuqdada, kala qoqobka, argati la’aanta si kale wax u dhiga, is diidsiinta sida dhabta ah ee ay wax yihiin, qabyaaladda iyo qiirada aan geedka gaadhsiisnayn kala fogaynta,  sida qofku rabo wax u dhigista ee aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo weliba lagu fahmayo, si khaldan uga faa’idaysiga awooddaha Illaahay ku siiyey ee magac leh, mansab leh, maamus leh, adduun leh, Jees jeeska, is mukurinta iyo isyeel yeelka, wax is daba marinta, guulwadyanta, ku ciyaarida caqliga iyo garshada inta aan awoodda lahayn iyo kuw lehba, hadal badan oo macno lahayn Iyo hawl la’aan, ka gabashada xaqiiqooyinka runta ah ee inna horyaala si kasta oo ay u qadhaadhiyiin waxaas oo dhan intay ummaddi ku dhaqmayso ee ay waliba ku faraxasnatahy isuna maaweelinayso oo waaydana aad u sii badanaya iyada oo laga faa’idaysanayo warbaahinta kala duwan ee leh mid casriya iyo mid soo jireen ahba ummaddaasi meel ma gaadho waayo waxay ka gabanayaan wax hortooda yaala oo laga rabay in ay wajahdo. qof, qoys, qaran intaas intaan  ka gabanayno meel uma socono waxaana ku jiri doonaa gaadhigaa taagan ee taahiradu u dalacanyihiin.

Illaa inta la helayo ummad qiyam leh, aragti leh mabada leh, ikhlaas leh oo yaqaana halkay ka imaadeen, halka ay ku suganyihiin meesha ay u socodaan, dariiqa ay u marayaan, qodxaha iyo boholada yaala iyo siday uga gudbayaan een qodxahaa roog cas ka dhiganayn oo indho sancaada, ah runta iskaga nixinaya siday doonta ha u qadhaadhto beenta diidaya si kasta oo ay u macaantahay oo ay bayn kilar u tahay wallahi tabtaasay innoo ahaanaysaa ee inagaa ka tagi doona waqtiga iyo waayaha noloshu waa iska soconayaan ee inama sugayaan haddii aynu ka badan 28 sanno xal uun ku nooleyn hadda xulasho iyo xaqiiq baa la rabaa in aan ku beddelano.

 

Dal waan arkaa laakiin dad ma arko!