Waa maxay teetano?
Teetanada waa cudur dilaa ah, laakiin nasiib wanaag aan bulshada ku badnayn, waxaana keento bakteeriyo loo yaqaano “Clostridium Tetani”, bakteeriyada waxay ku nooshahay carada, boorka, calyada, mindhicirrada iyo saxarada dadka iyo xoolaha, bakteeriyadaan waxay jirka banaankiisa ku noolaan kartaa bilooyin illaa sanooyin.
Bakteeriyadaan waxay kaloo caan ku tahay in ay jeceshay in ay ku noolaato meelaha aan oksajiinta lahayn, biraha mirirka ah sida musmaarrada, laamayeeriga iyo qasacadaha daxalaystay.
Sidee bakteeriyada xanuunka u keentaa?
Bakteeriyadaan markay jirka gasho waxay ku sii daysaa labo maaddo oo sun ah oo loo kala yaqaanno “tetanolysin” iyo “tetanospasmin”, waana suntaas waxa sida dhakhsaha dadka u dilo.
Markii qofku dhaawac gaaro sida in ay wax xagtaan, wax mudaan ama bahal qaniino, ama qofka lagu qalo, ilkaha looga saaro, dalqada lagu gooyo ama lagu fooliyo biro aan la jeermis dilin waxay bakteeriyada fursad u heshaa inay jirka gasho.
Bateriyada badanaa waa in dhaawac jirka gaaray ay ka faaidaysato si ay u waxyeellayso, waxaana badanaa laga qaadaa musmaar ama bir carrada taalla oo ku daxalaysatay oo qofka durto ama jeexdo.
Sidee jirka u saamaysaa?
Teetanada waa cudur ku dhaca habka neerfayaasha jirka waxaana lagu gartaa in qofka uu togtognaado, murqaha oo giigsama khaas ahaan murqaha qoorta, daamanka iyo dhabarka.
Teetanada waxay soomaalidii hore u taqaannay “Todoba ma gaadhto” taasoo ka tarjumayso siduu xanuunka halis u ahaa, welina u yahay, waxaana magacaas loogu bixiyay, markii qofka wax duraan ama mudaan, bakteeriyadane ay jirkiisa gasho, todoba maalmood kadib qofka waxaa ku soo boodo astaamihii xanuunka teetanada, wuuna u geeriyoodaa, waana arrin jirta oo caafimaadka waxaa loo yaqaanaa “Xilliga Huuriska” ama “Incubation Period”.
Soomaalidii hore waxay cudurkaan kula dagaallami jireen dabka, way gubi jireen nabraha inta ay cusub yihiin, qalabka ay qalliimada u adeegsan jireenne dabka ayay marin jireen.
Maxaa lagu gartaa teetanada?
Calaamadaha lagu garto cudurka teetanada ayaa waxaa ka mid ah: in qofka daamanka isdhaafaan, dhabarka qalloocmo iyo surka oo gadaal u laabto. Qofka waxaa ku xermi karo neefsashada.
Cudurkaan waxaa lagu gartaa aragti laakiin waa la baari karaa haddii dheecaan ama cad laga qaado meesha uu dhaawaca ka gaaray qofka.
Teetanada sidee loo daaweeyaa?
Teetanada waa cudur laga hortagi karo, wuxuuna leeyahay tallaal loo qaato, caruurta iyo hooyooyinka uurka leh waa laga tallaalaa, qofkane markuu dhaawac gaaro waa in la tallaalaa.
Haddii qofka cudurkaan ku dhaco waa in sida ugu dhakhasiyaha badan isbitaal lagu gaarsiiyaa si loo daaweeyo loona siiyo cirbad lid ku ah teetanada.
Hadduu qofka teetanada ku dhacdo, fursada in qofka uu xanuunka ka soo kaco aad ayay u yartahay, mana ahan xanuun farmashiye ama isbitaal yar lagu daaweyn karo, wuxuu u baahan yahay qofka in isbitaal wayn oo uu joogo dhakhtar aqoon u leh daaweynta xanuunkaan in la geeyo, maxaa yeelay qofka wuxuu u baahan yahay daaweyn iyo xanaanayn u baahan shuruudo gooni ah.
Qofka xanuunka wuu ka raysan karaa, laakiin inuu dabiici qofka ku soo laabto oo caafimaad buuxa helo waxay qaadataa dhowr bilood illaa sanad.
Qofka waa in laga geeyaa ama lagaliyaa meel aad u madoow oo iftiinka laga qariyaa sidoo kalana qaylada laga ilaaliyaa.
Source:- Somalidoc