Xidhiidh ayaa ka dhexeeya karti-darrada iyo qabyaaladda (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Aqoonyahannada shisheeye ee cilmi baadhista PhD ama Postdoctoral Research Soomaalida ku sameeyey ama wakhtigan ku sameynayaa waxa ay mar walba ku doodayaan in Soomaalidu dawladnimada iyo diinta ay qabiilka ka jeceshahay (Schwoebel, 2010; I. M. Lewis, 2002).

Tafsiirka ama faallada ugu weyn ee cilmi baadhayaashu sameeyaan (Scholarly Interpretation) inta badan sidan ayaa gundhig u ah. Marka la ga reebo in yar oo โ€œparadigm shiftโ€ sameysay oo cilladda dawladnimo meel kale u sibirsaartay (Kapteijns, 2004; Samatar, 2003).

Inkasta oo takhasusaadkayga cilmibaadhiseed (PhD Research) aannu ammuraha Soomaalida ku lug lahayn oo uu ku saabsan yahay siyaasadda iyo falsadadda Turkiga ee Africa, haddana kollay waxa aan ahay qof Soomaali ah oo wax badan ayaa ii ga bixi kara Soomaalida aan ka midka ahay dhaqansiyaasadeedkooda bulsho iyo kan dawliga ah labadaba.

Waxa hubaal ah in mar wal oo karti darro-qofka Soomaaliga ah ku timaaddo uu miciinsado qabyaalad. Tusaale ahaan, marka qofka Soomaaliga ah ay ku timaaddo karti-darro siyaasadeed, karti-darro shaqo, karti-darro ganacsi, karti-darro diineed, karti-darro ganacsi, karti-darro hal abuurnimo waxa cad in uu si daahfuran u miciinsado qabiilka si uu qabyaaladda ugu qariyo oo uu marmarsiinyo ugu sameeyo karti-darradiisa.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud