Haddii aynu waxba ka baranweyno wixii hore inoo soo maray waa ayaandaro ta ugu weyn, Madaxweynihii hore ee Maraykanka ee John F. Kennedy ayaa laga hayey xigmadan” Those who don’t learn their past mistakes are likely to repeat it again” oo nuxur ahaan noqonaysa, kuwa aan waxba ka baran wixii soo maray khaladaadka ay galaan way ku celcelin goor kast.
Bal eeg dhacdooyinkii-wanjaleed ee siyaasiyiin reer Soomaaliya ah kula kaceen kuwa Soomaalilaan:
Dhacdadii Koowaad:
1989-kii ayuu Siyaasiga Axmed Siciid Samatar (Gacaliye) la odhan jiray ayaa Gudoomiyaha SNM oo Hotel Adisababa ku yaal ku jira la soo fadhiistay , halkina Coffee lagu wada cabay , si caadiya loo sheekaystay ileen waa rag is yaqaan asxaab ahaaye , Gacaliye Mucaarad waa ku ahaa Siyaad Barre dawladiisii wakhtigaa , waxaanu ahaan jiray safiirka Somalia u fadhiyey dalka Faransiiska , la wada Bunee!
Galinki danbe idaacada BBC ha soo gasho , waaba Weriye Cabdilaahi Xaaji oo Gacaliye waraysanaya iyo Gacaliye oo leh Wada hadalo u furmaya Siyaad Barre iyo Siilaanyo.
Sidan haddaba la iskugu buuqayo ayaa la oogsaday , Madaxdii Jabhadda ayaa shir deg-dega isugu yimaadeen , Siilaanyo isagoo isku kalsoon buu si cod-karnnimo ah uga waramay sidday wax u dhaceen halkii ba Tuhunkii Gacaliye ka faafiyey lagu saaray loona aqoonsaday in Wanjal Mudugaysan meesha ka dhacay.
Dhacdadii Labaad:
1990-kii Saleebaan Maxamuud Aadan oo SNM u qaabilsanaa Arimaha Dibada oo markaa magaalada Diridhaba ku sugan ayaa safaarada Talyaaniga la soo hadashay una sheegtay in waraaqo u yaalaan safaarada oo ay soo doontaan , Saleebaan wuxu la soo hadlay xafiiskii SNM ee Adisababa si ay waraaqaha uga doonaan wuxuna faray inay u soo qaadan (Waraaqaha waxay yihiin lama oga) inamaddi ba tagay oo soo qaaday waraaqihii , waraaqihi haddi la soo qaaday waxa warbaahinta lagu arkay in Ururka SNM ogolaaday in Siyaad Barre dawladisa kula shirto Qaahira dawlada Talyaaniga iyo dawlada Masar ay halkaa ku heshiisiin doonaan , warkii baa duulay oo dawladdii Itoobiya lafteeda ka xumaatay , Madaxda Ururka oo markaa Gudoomiye ka ahaa IHUN Cabdirahman Axmed Cali ay ka xumaadeen , Saleebaan ba loo yeedhay waa is baraxay inaanu wax warqada ku jira war ka hayn ilaa la yidhi soo doono , safaarada umay sheegin in waraaqahan ay ku jirto “invitation” kii shirkaa la rabay in la isu soo hor fadhiisiyo Cabdirahman Tuur iyo Afweyne.
Iyaba waa wanjal kale oo Talyaani iyo Masar soo maleegeen , dawlada Xamar Siyaad Barre ka faaiidaysatay!, Dhacdadani waxay sababtay in xafiiskii SNM ee Adisbaba laga bedelo masuuliyiintii joogtay laguna bedelo Masuul kale si arrinkan xal looga gaadho , tuhunaddii dhacay ee arinkan abuurtayna la suuliyo.
Dhacdadii Saddexaad:
Prof. Ibrahim Maygaag Samatar AHN oo ahaa Gudoomiyaha ugu danbeeye Golaha dhexe ee SNM sidoo kale Gudoomiyaha Barlamanka SL ee ugu horeeyey.
Wax yar ka dib shirkii Golaha dhexe SNM ee ugu danbeeyey 1992 , ee la iskula qaatay in golaha dhexe SNM loo badalo gole barlamaan tiradana la kordhiyo si loogu biiriyo dadki kale aan markaa SNM ka mid ka ahayn , ayuu safar ugu baxay magaalada Adisababa oo shir loogu qabanayay Madaxda jabhadihii Somalida Koonfureed , Somaliland waxay kaga qayb gashay goob joog ahaan!
Ibrahin IHUN , sidda uu iiga sheekeeyey mid ka mid ah inamaddi Airport ku soo dhaweeyey wuxu ka waraysay Hotel-ka ay dagan yihiin Madaxda Jabahadaha , inamaduna hotel Geon markaa wufuuda Soomaalida inay dagan yihiin bay u sheegeen , wuxuu ku yidhi adeer soo wada eeg Hotelada kale inay degan yihiin in kale , waxa aan rabaa Hotel aanay nimankaasi joogin!!! …wuxuuna u raaciyey waan jeclaan lahaa inaan la kaftano oon la sheekaysto inagoo Guulaysanay oo Madax bannaan laakiin sidda ku aqaano imika BBC-da la hadlayaan oo been inaga sheegi.
Akhirkii Ibrahim wuxu ku dagay Hotel aanay qoladaasi deganayn , shaqadii u tagay Adisababa sidii u doonayay ba u gutay , Warbaahintana ugu waramay ujeedada safarkiisa iyo sababta Soomaalilaan u joogto shirka.
Xalku muxuu noqonayaa?
Maanta waxa taagan arrin dhalisay buuq siyaasadeed oo ka dhashay kulanadii ay xisbiga WADDANI ku tageen Kiiniya gaar ahaan Nayroobi, oo baraha bulshada iyo warbaahinta lagaga faallooyinaayey inay la kulmeen siyaasiyiin reer Soomaaliya ah, oo weliba uu sheegay kulankooda nin musharaxa u ah doorashada Soomaaliya ee Farmaajo. Siyaabo badan ba la isu wajalaa haddii aanad hubsan wax oo aanad foojignaan badan la iman , goob kasta iyo goor kastaba. Hadaba haddiiba ay jirto iyo haddiiba aanay jirin oo uu ka been sheegayo kulankaasi waxa habboon inay masuuliyiinta Waddani is-baraxaan soona bandhigaan inay arrintu wanjalaad tahay, oo ay bulshada Soomaalilaan tuhun saaraan. Manaha markii ugu horraysay ee ay siyaasiyiinta Soomaaliya wanjalaan kuwa Soomaalilaan, oo waa nooc siyaasadda ka mid ah in wixii fursad ah ee la kala helo aan la dayacin. Guddoomiye Cirro waa in la baro siyaabaha ay tahay siyaasadda wanjalaadda ku dhisani.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
F: G= Dhacdooyinkan waxa aan ka soo Tixraacay qoraal uu diyaariyey Maxamed Dubbe, oo degan Qadar.