Oday Kediye, waa nin dedaal badan. Had iyo jeer reerkiisa waxa uu u sahamiyaa, meesha ugu fiican. Reerka uu odayga u yahay, waa qoys ballaadhan, oo carruurtiisa iyo afadiisa, oo keliya maaha inta eeganaysa odaynimadiisa. Toban wiil ayuu la dhashay, oo isaga ka yar. Da’diisu waxa ay madaxa la gashay sagaashankii, waase xoog xaftaa haya. Xoolo cun buu ahaa, xaaraanna afkiisa muu gelin, waxaase uu ka werweraa had iyo jeer Ilmaadeeradii, oo aan kala aqoon xalaal iyo xaaraan. Geela ayey soo dhacaan, oo cunaan, oo caanahooda cabbaan. Waa geel ay ka soo dhaceen, dad masaakiin ah, oo laga yaabo in ay dad ku soo dileen. Waxaase yaabka yaabkii ah, in aanay uba haysan xaaran, waxaabay u haystaan xarrago oo waxa ay ku faanaan budhcadninada ay xoolaha ku soo dhacaan. Waxa taa ka sii daran, reeraha kale ee ay deegaan wadaagga yihiinna, waa la mid oo sidooda oo kale ayey ku faanaan budhcadnimada. Ceeb maaha in aad tidhaahdo geel baan soo dhacay, waaba faan iyo wanaag. Waaba geesinimo, lagu kala danbeeyo, oo haddii la yidhaa, reerkaasi maanta geel buu soo dhacay, mashxaradda dumarka, ciyaaraha iyo geeraarka ayaaba isqabsada. Waa dad dulloobay, oo aan xaaraanta iyo xalaasha kala aqoon. Waa dad ku faana, dhiig la daadiyo iyo dulmi. Dadkaas ayuu Kediye ku dhex noolyahay, oo weliba laga dhigtay in uu oday u noqdo.
In badan buu ka waaniyey, geel-qaadnimada iyo dilka iyo dhaca iyo kufsiga oo dhawr jeer cirka isku shareeray. Laakiin dheg-jalaq looma siin. Waaxanay beeshu u taqaanaa, nin qabaw, oo jilicsan. Qaar kale ayaa u yaqaan nin nabadeed, oo waxa ay yidhaahdaan, “Kediye maalinta nabadda uun innoogu yeedha”. Deegaanka uu Kediye ku noolyahay, waa dhul qarfo ah oo dhul qallalan u badan, oo malaa u baahnaa in dedaal badan loo galo sidii looga bixi lahaa harraadka iyo dhibaatada haysata dad iyo duunyoba. Iska daa in laga baxo’e, dadka degmada ku nooli, in ay is dilaan, isdhacaan oo is dulmiyaan mooyee, maaha dad weligood dhanka wanaagga u dhaqaaqay. Qofka wanaag iyo waxwada qabsi la soo hadal qaada, waa ay ku qoslaan, oo ceelasha biyaha waa ay kala leeyhiin oo lama wadaago. Dhulka daaqsinka ah waa la kala leeyahay oo lama wadaago. Wax la wadaagaaba ma jiraan. Dadka noocaas ahยดayuu Kediye, maalin kasta wacdi iyo waxsheeg la daba taaganyahay.
Kediye, waa oday ruugcaddaa ah, oo wax badan u soo joogay. Waa abwaan, hadal yaqaan ah, waa nin ay beeshu isku raacsantahay in uu wanaag u horseedi karo beesha gebi ahaanba. Waxa ay had iyo jeer ka oggolaadaan, marka uu reerka u sahan tago, ee uu yidhaahdo waynu guuraynaa. Cidina hadal kama keento ee go’aankiisa ayaa lagu guuraa. Markastaba wax aanuu filayn baa dhaca oo ku noqota Kediye, halxidhaale aanuu garanayn.
Goor ay tahay maqribkii ayuu Kediye, masallihii dhigtay geed aan reerka ka fogayn. Waa geed weyn oo Qudhac ah. Geedka hoostiisii buu salaaddii Maqrib ku tukaday, markuu ka baxay salaaddii ayaa waxa u yimi islaantiisii oo u sidda kildhi shaah ah. Shaahii bay agdhigtay, kuye” Ee bal warran, oo maxaad sahankii kula soo kulantay?” Dhul barwaaqo ah baan soo arkay, dee waa guuraynaaye, reerka wargeli ayuu Kediye yidhi. Kaaha oo afada Kediye ahi, waxa ay fahmi weydey, markasta oo ay guuraan, sababta haddana ku soo celisa kobtan ay weligood deggenaayeen. Waxaanay ku tidhi; “Eyaahe, wax ma kuu sheegaa, halkeenan ayaa roobku innoogu di’iye waxba ha inna rarin, kollay waynu soo noqone”. Kediye, oo xasuusan maankana ku haya, arrinka ay Kaahi sheegayso, ayaa haddana is diidsiiyey oo yidhi. Hadalka badan innaga daayoo, reerku wuu guurayaa, oo barwaaqo ayuu u guurayaa. Kaahi inta ay tidhi: “dee waayahay, kollay-ba adigaa odaygii reerka ahe, ayey raacisay, oo il-maadeeradaa ma u sheegta. Kediye oo shaahii koobkii labaad ku shubanaya ayaa yidhi, “haa waan u sheegay”. Kaaha oo sii kacaysa ayaa hadal sii yara jiitamaya waxa ay ku tidhi, “malaa kobtan ka guuri mayno’e, talo kale baynu baahannahay.”
Salaaddii subaxnimo ka dib, baa reerihii diyaar garoobeen. Waa la guuray, maalintii oo dhan baa la sii socday, goor casargaabkii ah baa la yara nastay oo carruurihii, caano la siiyey. Dadka waaweyni waxba afkaa may saarin biyo mooyaane. Waana wax iska caadi ah, oo nolosha adag ee ay dadkani ku nool yihiin, waa mid ka awoow! ka awoow! ay ku soo noolaayeen. Sababta dhacniinka geela iyo dilka bartayba waa nolosha adag, ee ay soo qabatimeen, tan iyo intay jireenba. Markasta oo ay is yidhaahdaan nolosha wax ka bedela, lama waayo, qaar ka horjoogsada oo dib u celiya. Waxaana ugu yaab badan qisadan Kediye marar badan ku dhacday. Habeenimadii ayey socodkoodii sii wateen, waa la guuraynaa, bahallaa geesaha ordaaya, sanqadhaa badan, laakiin maaha dad baqaya, waa dad soo gubtoo jabay. Bahalka kama baqaan ee inta badan iyagaabay bahalladu ka baqaan, ha ugu horreeyo libaaxuye. Goor saqdii dhexe ku dhow! bay rarkii ka fureen awrtii, si loo nasto ayaa qofba meel ku dhacay. Intaan waagu beryin bay, soo dhaqaaqeen, si ay ugu waa bariistaan, goobtii barwaaqada ahayd ee uu Kediye soo sahamiyey.
Waagii baa beryey, marka la kala garto qof iyo geed ayey Kaahi tidhi: ” Eeyaahe Kediye, qudhacaas ma garanaysaa?” Qudhacee, Kediyaa dib ugu celiyey? Wiil yar oo siddeed jir ah, baa yidhi: “Aabo dee waa qudhicii aad ku tukan jirtay” Yaa, qudhacee, ma kobtii aynu deggenayn baynu ku soo noqonnay, Kediyoo aqoonsaday in ay kobtu tahay kobtii ay ka guureen, baa sidaa hadal murugo ku dabran tahay ku yidhi!!. Nin ka mid ah ilmaadeeradii oo qoslaya ayaa yidhi: Inaadeer, Kediyoow! dadka ha lug-goyn, barwaaqada aad sheegayso karintaa kidiga leh ee qudhaca leh, ee dhaca iyo dilku yaallo bay dadkani, jecelyihiine, maad iska dayn. Kaaha oo daal kax ah baa tidhi ” Waa markii immisaad ee odaygaasi na raray, ee aanu halkii uun ku soo noqonnay, ee culimada u tag, oo ii sheega dheh, waxan innagu calaameeyey, kobtii aad ku dhalatay, ee aan ku dhashay. Waxa Kidigan, innoo yaalla, dee ha la innaga furdaamiyo, ayey Kaahi hadalkii ku soo koobtay.
Kediye, af kala qaad bay ku noqotay. Waana markii afraad ee uu reerka raray, ee ay ku soo noqodeen halkii ay ka guureen. Karintii Kidiga lahayd bay ka wadi weyday. Waa hal-xidhaale uu furfuri kari waayey oday Kediye.
Nabad iyo Caano
Hoos ka akhriso maqaalladii hore eeย Sayid-Axmed Dhegey:
Hore u soco, dib u soco, hore iyo dibba u soco
Faallo: Buugga Go’aan iyo Gobanimo ee uu qoray Cali Cabdi Coomay
Faallo: Buugga la magacbaxay “Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed”
Naadiyada akhriska ee Somaliland xaggee ka yimaaddeen halkeese u socdaan?
โCidhif Gees ka Gees Cawkeyare Waa Laga Yiqiin, Carriga Soomaaleโย
Maalmihii Dhaqanka Soomaalida oo la soo gabogabeeyey