Waraabaha iyo aragtida dhaqannada adduunku ka qabaan (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waraabuhu waxa uu ka mid yahay xayawaannada naaselyda ah oo lagu tiriyo bahda eyda ama yeyda. Waa xayawaan hilib cun ah oo bakhtiga quuta. Waxyaabaha abuurka ah ee uu xayawaannada badankooda dheeryahayna waxaa ka mid ah dareenkiisa urinta, oo aad u xoog badan. Waxaana la sheegaa in uu meel dheer ka soo ururiyo xitaa bakhtriga muddo yaallay iyo xoolaha nool. Marmar waa ay dhacdaa in waraabuhu uu isku dayo in uu qofka cuno, gaar ahaan carruurta, laakiin waxa uu u badan yahay waraabaha ku dhaqan deegaanno gaar ah oo adduunka ka mid ah, iyo marmar uu aad u gaajoodo ama inta la sumeeyo aanu ku dhiman ee uu ku waasho.

Waxa kale oo ay dadka qaar sheegaan xilliga colaadaha, marka uu hilibka dadka barto in uu dadqaad noqon karo. Laakiin si guud waa xayawaan fulay ah oo aan ugaadhiisa oo nool ku degdegin. Maalintii ayaa uu seexdaa, habeenkiina cuntada ayuu raadsadaa.

Waraabuhu waxa uu ka mid yahay xayawaanno dhaqanno badan oo adduunka ka jiraa aragtiyo isku dhow ka qabaan, gaar ahaan carabtii hore iyo Soomaalidu. Haraggiisa ayaa siyaabo kala duwan loo isticmaalaa, oo ay ka mid tahay in dadka qaar u arkaan in uu jinka eryo, maadaama oo ay aaminsan yihiin in uu yahay noolaha keliya ee jin aragga ah. Dadka qaar ayaa iyaguna dawo ahaan u adeegsada ama ka barakaysta.

Halka bulshooyinka qaarna ay qaybo maskaxda waraabaha iyo maqaarkiisa ka mid ah u adeegsadaan sixirka dadka, kuwo kalana sheegaanba in uu dawo ka yahay sixirka. Isla xubnahan ayaa ay dhaqannada qaarkoodna u adeegsadaan raadinta iyo hubinta in qofka sixir hayo.

Hadallada kale ee aan cilmi ahaan la xaqiijin waxaa ka mid ah, aaminsanaanta ay dadka qaar qabaan ee ah in maskaxda waraabaha ay ku jirto maaddo sun ah lagu magacaabo โ€˜Antidoteโ€™ taas oo qofka cuna ku keenta waalli. Waxaana taariikhaha qaar sheegayaan in bulshooyinkii hore qaarkood suntan ku ogaayeen, oo qofka ay doonayaan in uu waasho ay u qarin jireen maskaxda waraabaha.

Sheeka baraleyda kale ee laga sheego waraabaha waxaa ka mid ah in kaadidiisu ay leedahay ur ay aad uga baqaan eyda iyo dameeruhu. Iyada oo eyga uruiyaa uu ka fogaado aagga uu urtaas ku arkay. Halka dameerahana ay ku keento cabsi gaadha xaalado nafsi ah oo xanuun ku noqda.

Dhaqannada qaar, gaar ahaan deegaannada waraabaha ku nooli uu dadqaadka yahay ayaa sheekobaraleyda ay waraabaha ka sheegaan waxaa ka mid ah, in uu sii daayo ur, qofku marka uu uruiyo uu dabagalo. Ujeedada urtaas oo ah in qofku uu gaar ugu soo baxo, si marka uu dadka ka fogaado uu u cuno.

Wakaaladda wararka ee Alwatania oo Falastiin laga leeyahay ayaa warbixin ay dhowaan arrintan ka qortay, waxa ay ku sheegtay in dhowaan dalka Masar ay ka soo baxday sheeko aad la isula dhexmaray oo sheegaysa in saanta ama maqaarka waraabaha loo adeegsan karo qarinta kontarabaanka. Waxaa la sheegay in maandooriyaha ama shay kasta oo kale oo maqaar dhurwaaga lagu duubo/ dhex qariyo, in mishiinnada baadhistu aanay ka dhex gudbin maqaarka si ay u ogaadaan waxa ku dhex jira ee lagu qariyey.

Sheekadan ayaa sababtay in dilkiisu uu aad ugu kordho dalkaas. Waxaa soo baxay dad aad u tiro badan oo waraabaha dilaya si ay saantiisa ula baxaan, oo uga iibiyaan dadka maandooriyaha tahriibiya ama dillaaliin ka sii ganacsanaysa oo dadkaas gaadhsiinaysa. Sheekadan oo aan la xaqiijin ayaa sheegaysa, meelaha qaar ka mid ah dalkaas in qiimaha maqaarka waraabuhu uu gaadhay 50 kun oo doolarka Maraykanka.