Xajarka iyo siraha ku xayndaaban (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Marka dhagax lagu wareego, la dhunkanayo, latuurayo, lagu tuurayo, la dhex ordaayo, la fananaayo, lagu joogo, loo tukanaayo, gawraca loo jeedinayo.

Waa dhagaxii Farxada oo janada laga keenay, madawna muu ahayn, dambiga dadkaa madoobeeyay, Sida kitaabka Ixyaaga uu ku xusay Imaamu Qaasaali. Nabigu Naxariis iyo Amaani xaga sare ah. wuu dhunkaday xajarul Aswadka.

Sida uu kaga dooday Al Uztaad Cali Tvga Alraxma. Dhagaxaanta siraha iyo sababaha dabayaala gaar ahaan dhagaxa Madaw ee Xajarul Aswadka loo yaqaano. Haddaan ku horayno isaga.

Cumarna Rabbi swt. Raali ha ka haado. wuu dhunkaday, wuxuuna yidhi “haddii aanan arag Rasuulkoo ku dhunkanaya kumaan dhunkadeen waxaa tahay dhagax dhib iyo dheef midna ma lihid.”

Hadalkaasi oo Cali inbu Daalib Si kale u dhigay, isagoo xusay hadal murtidiisu ahaa” Waa Markhaati Qiyaamaha Salaantiisu dawaafka la ama dhunkashadiisu.iyo ula jeedsashada cibaada sida Salaada iyo Gawraca.

Halka Ibnu Cabaas Rabbi Swt. Raali haka ahaado dhamaantoode. WuxuuYidhi Markii Rabbi Arwaaxda dadka oo dhan kulmiyay kuna yidhi Ma ahay Rabbigiin? ku jawaabeen HAA dhaaam, Islaam iyo Gaalba, sida ku cad quraanka.

Maalin aan maalin jirin oo aan cadceed soo bixin, oo dhicina, ama dayax iftiiminba.

Markhaatigaa adag ee Jawaabta Arwaaxda, waxa Rabbi swt. ku qabtay dhagaxan, Caalamkaa la mooganaa ee maqnaa, waxaana loo soo dajiyay si uu markhaatigaa ugu oo’go dadka dhamaantood ilma aadam guud ahaan.

Hada jawaabtaa hore dadkoo dhan baa laga qaaday, sida uu ku dooday waxa lagu qabtay dhagaxan markhaati ahaan. Dooda Uztaad Cali oo Ashariyaa qaba.

Markasta ood dawaafto ama dhunkato ama u tukato. waxaad si ficila ugu dhawaaqaysaa balantii wali waan ku taagahay, ajiibsanahayna Kuwii diidayna loo diwaan galiyay in balankii ka kabaxeen.

Dhagaxu qiyaamaha waa lasoo saarayaa, isagoo Carab iyo labba dabnood leh. Sida Sunanka Ibnu Maaja kusoo aroortay. Cidii ajiibtay amarka Rabbi swt. U marag furo kuwana ku furo maraga.

Cida rumaynta, kali ahaanta Rabbi. Swt. iska dhaga marisa aduunyada. Xujadana ku oogay qiyaamaha.in balankii jabiyeen.

Dad Xajkay Dawaafaan, ama salaamayaan, ama tilmaamayaan, halkaasna markhaatigu diwaanka loogu dhigayaa. ama si maalinle ah waajibaadkooda ugu ekeeyaan xagiisa sida Salaada

Hooyadeen waa dhagaxaan yaryar oo ciida, guriga kala guurku waa calooshiisa, isagaa laga soo biqlaayo. Isagaan ka nimid kunoqon doonaa kana soo bixi doonaa.

Qisaska dhagaxaanta la xidhiidhaa waa bad balaadhan, oo dhinacyo badan. Iyo adeegsi Rabaaniya, caqligeenuna kasi karin kaalina ku lahayn sawirashadiisa, wixii loo bildhaamiyay ee waxyiga ah mooyaane.

Dhagaxantii Lagu garaacay sida gantaalaha, reer asxaa tii maroodiyada, kii Nabi Muuse Csm. Marada kala cararay, kii Hasha, kii Nabiga Salaami jiray Naxariis iyo Amaan Xaga sare ahi dushiisa ha ahaato.

Qaarbaa dhagaxaanta cabsida Rabbi Scw. awgeed butaaca biyo, wabiyada haba, qaarna ka soo hoobtaan buuraha dushooda iyagoo shalwanaya dagdagana ku gaadha gunta buuraha oo ah masaabiirta ku musbaaran arlada dheeli tirankeeda.

Laydhku raadinta iyo baadigoobka dhagaxaanta waa ganacsi dad yar oo gaari awoodaan gadashadeeda iyo gadisteeda. noocyo gaara oo qaaliya ah sida Dheemanta, Dahabka, intii la baha.

Halka kuwa dareere xaalado gaara yihiin ubucda, muranada dunida iyo u kala badinta adeegsiga, udub dhexaadna u ah is marinwaayo badan oo dunida hadheeya, furdaamintoodana lagu raago miisaska waddaxaajooyada.

Dooduna tahay hanagu naaxinina, tayayntana kadaaya, iyo bacriminta dhalan roga kharta laga saadaaliyo, ma aqbali karnee hakiya.

Dhagaxaanta kuwo dadka maalqabeenka ah uunbaa lulu’a iyo marjaanka manaafacaadsada. Halka dad badan maqalka ugu joogto.

Hadaba sirtu maaha dhagaxa iyo amarka in lagu wareego, balse in amraha xagiisa loo jeesto oo layliyadani waxay xoojiyaan nafta in sifiican oo fudud uga dhaansato Jacayka iyo waynaynta Rabbi swt.

Heshiiskuna waa Kii Naftiisa daahiriyay wuu liibaanay kii hoos u dhigana waa hoogay.

Naxariista Rabbi swt. iyo u noqoshadiisuna waa bilaa shuruud ilaa iila aad qooraan’sanayso ama qabtu dhacdo.

Taasoo eray kaliya oo waan Toobadkeenay Rabbi buugaagii inta la masaxo laguugu badalayaa xumaantaadii wanaagyaal. Subxaaan. Aynu u dheerayno Xaga Rabbi swt.

HA HILMAAMIN XUSKA RABBI.

Qalinkii Axmed Cali Kaahin.

Ahmedckahin@gmail