Xijaabka yaa diidan? (WQ: Mustafe Kaydsane)

Xijaabka yaa diidan?

“In aan Eebahay idin qatalin qariya laabtiina” Cilmi Boodhari[AHUN].

Xijaabka waxa diidan cid kasta oo diinta Islaamka duulaan ku ah, ama duulaankaas ugu adeegaysa indho la’aan; duulaanka diinta lagu hayey wuxu socday ilaa maalintii fariinteeda loo soo dhiibay Nabi Maxammed(SCW) waxanu socon doonaa ilaa maalinka Qiyaamaha ee dunidani looga guurayo Aakhiro. Duulaankani ma aha mid meel kali ah ka socda, maalin ba meel baa laga weeraraa, Diintanuna waa mid Alleh uu u yahay “ILAALIYE” isaga oo diintiisa ugu deeqay culimo iyo daaciyaal u hagar baxa ilaalinteeda, oo dhagar kasta way ka nabadgashaa oo waataa ay sideedii u taagantahay sidii oo uu Nabigu wali noolyahay, oo nusuusteeda na ad moodo in uu carabkiisu ka qoyanyahay sheegisteeda iyo faafinteeda. Maadaama uu xijaabku diinta ka joogo meeqaamka Salaada, cidii toos u diidani waxay su’aal galinaysaa iimaankeeda iyo diinteeda.

Xajiaabka hablaheena weerar baa lagu hayaa, waa xaqiiq midhkaasi. Waxa ku haya kuwii hore isaga xayuubiyey ee muruxsanaanta ilbaxnimada mooday.

Anigu waxan soo gaadhay iyada oo ay madax qaawanyihiin gashaantimuhu oo ay timaha na tidcadaan, oo garayska hablaha na ad ka arki karto laabtooda, sidoo kale kuwa la qabaa ay asturan yihiin. Arintaasi, guud banayntu iyo laab banayntu waxay ahayd dhaqan aan Diinteena xidhiidh la lahayn, malaha wuxu ahaa dhaqan lagu tilmaamayo “in ay heblaayo madax banaantahay”, sidaa na suuqa guurdoonka loogu bandhigayo.

Badhtan kii 70 kii ilaa bilowgii 80 yadii waxa xoogaystay xijaabkii hablaha, in kastoo ay markii hore dhib kala kulmeen Kacaankii diinlaawaha ahaa haddana cidhiidhigaas habluhu umay joojinine way banaysteen dhaqankaas diimaysan, waxay ku labisteen meel kasta, jaamacaddaha, suuqyada iyo goob kasta oo lagu kulmo. Ilaa la waayey gabadh jidhkeeda inta cawrada ahi muuqato, heer ay gabdhihii nasaarada ahaa ee hay’adaha sama-falka ka shaqaynayey kaga daydeen oo is astureen iyagoo ixtiraamaya shucuurta dadka muslimiinta ah ee kale.

Alleh mahadiiye, haweenka Soomaaliyeed waxay ka midyihiin kuwa ugu diin jecel haweenka muslinka ee caalamka. Waxay tageen galbeedka dunida iyagoo jiidaya jilbaabkooda, wakhti bulshooyinka muslimiintu ay ka baqayeen in aad ula banaan baxaan xijaabka ama jilbaabka.

Xijaabka dagaalkiisu muu bilaabmin maanta ee waxa ka horeeyey, in hablaheena moodo ama “fashion style” looga dhigo xijaab jidhkooda ku dhajisan, iyo dhar quruxdiisa loogu talogalay in ay soo jiidato indhaha gayaanka. Waxa ku xigay in qoorta la baneeyo oo inta kale la asturo, waxa ku xigay in la xidho kurdad miskaha joogta oo surwaal dhajis ahi ka hooseeyo. Mudo badan bay shaqadaasi socotay, haddana jilbaabkii iyo khamaarkii midna may daynin hablihii xijaabka u xidhay diin ahaanta.

Bal adaan kuu dhiibay eh, mid muruxsan iyo mid asturan kee kula qurxoon?

QuruxdaXijaabka

Jumca Mubaaraka