Xilalka Iyo Takhasuska (WQ: Mustafe Aadam)

Ragga iyo dumarka si dhab ah u bartay SHARCIGA, DHAQAALAHA IYO SAXAAFADDA xagga hoggaaminta iyo xilalka waaweyn way uga dhaw yihiin kuwa kale. Ma runbaa?

 

Tusaale:

 

Kamala Harris: Joe Biden ayaa u magacaabay xildhibaan Kamala Harris inay noqoto ku-xigeenkiisa. Waa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata, haddii xisbiga dimuqraadigu guulaysto.

 

Sidoo kale, waa haweenaydii saddexaad ee loo doorto kuxigeen musharrax. Labadii ka horeeyay (Sarah Palin, 2008 iyo ย Geraldine Ferraro, 1984) ma ay guulaysan.

 

Kamala Harris, takhasuskeedu waa SHARCIGA waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreeysay ee madaw ah oo noqota xeer ilaaliyaha guud ee gobolka California oo ah gobolka ugu dadka badan Mareykanka.