Xildhibaan Dhakool iyo Xaqlaha Astaan TV! (WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

Xildhibaan Dhakool iyo Xaqlaha Astaan TV!

 

Sheekadii sanad ka hor Hargeysa ka dhacday ee Xildhibaan Dhakool iyo tan manta ee mulkiilaha Astaan TV waa isku nooc. Dabcan waa isku nooc, maxaa yeelay isla caqligii uun baa taas iyo tan manta taagan ba maamulaaya. Maalmihii xaaladda Dhakool, xukuumadda iyo kuwa gar iyo gardarro ba ku taageera, ee magacyada badan loo bixiyay, waxa waagaas sinaba looga dhaadhicin kari waayay wax aad u fudud, ceeb bayna ku soo dhamaatay. Waar ninkanu waa xildhibaan, isaga oo aan nidaamkii jiray loo marin na, lama xidhi karo, lamana maxkamadayn karo ee sidee wax leedihiin? Is maqiiq iyo midh aan meeshaba oolin, oo aakhirkii na ku soo dhamaday waji gabax ayay ku adkasteen. Waxa ay maalmahaas odhan jireen, ninkani dembi buu faraha kula jiray daqiiqadda la qabtay, sharciga ayaana fasaxaaya in qofka noocaas ah gacanta lagu dhigo. Sharciga ay sheegayaan waa midka ku saabsan qofka fal-dambiyeed markaas faraha kula jira, sida dil, kufsi amaba boob caddaan ah oo lagu hayo, dabcan qofkaasu na waaran ma u baahna xaaladaas loogu yimid isaga oo falkii ku dhex jira.

 

Xildhibaan Dhakool isaga oo gurigiisa hurda ayay habeenimo ku duuleen iyaka oo aan waraaq maxkamadeed iyo mid kale toona sidanin, waxa ay u xidhayaan na waa hadal uu maalmo ka hor jeediyay, kaas oo ay furnayd in boqol iyo koow hab oo kala duwan looga fal celiyo, ay se doorteen habkii uGu liitay uguna foolxumada badnaa. Markii ay baarlamaanku diideen in ay xasaanadda xildhibaanimo ka qaadaan, ee maxkamaddii gobolku na tidhi ninkan dacwad ma lagu qaadi karo isaga oo aan baarlamaanku maamuus ka xayuubin ku samaynin, ayay jiq ku noqotay. Halkii ay aadyar iska sii dayn lahaayeen iyaka oo iska aamusan, foolxumo tii hore ba ka culus ayay caqligoodii ka heleen. Oo maxay ahayd?

 

Odayaal Xildhibaanka reerkiisa ah oo Hargeysa jooga, ayay soo ururiyeen, waxayna ku yidhaahdeen – beel ahaan saxaafadda uga hadla, oo raali gelin na siiya, weliba lacag ta TV ga na anaka ayaa bixinayna. Odayaashii sidii ayay yeeleen, waxoogay bilaa micno ah markii ay TV gii loo diyaariyay ka daldaleen, ee beel ahaan xaal u bixiyeen, ka dib ayay isla kooxdii u tageen Saleebaan-guurti. Waxa ay u sheegeen in uu xaalkii gudoomo, ninkii aan qabashadiisa lagala tashinin na, in la sii daayo uu codsado. Intaas oo dhan waxa loo socdaa in la tirtiro in Muuse iyo kooxdiisu ay qaldameen, halkaas baanay waagaas wax mariyeen.

 

Al-muhim, Saleebaan-gaal sidii buu yeelay, 17 June, 2019 buu na Golaha Guurtida ka khudbeeyay – “Dee ninkii Dhakool ahaa na waa kuwaas reerkiisii ay xaal bixiyeen oo waa la iska soo daynayaa!” Qofkii waxaas maqlaa riwaayad buu u qaadan karaa, laakiin dhab ahaan ma aha riwaayad ee waa xaqiiqo dhacday. Wiilashii la kari waayay iyo Muuse Biixi gii ka dambeeyay ee diray ba, wixii ay la yaacyaacaayeen sidaas qaabka daran, ee aan dhaqan dawladeed meelna ka soo gelin, ayuu ku bilaabmay, kuna dhamaaday.

 

Hadda waxa la nooc ah, oo sidii oo kale u qaab daran, sheekada Cabdimanaan Yuusuf, mulkiilaha Astaan TV, oo Magaciisa ba ay iigu horaysay kolkii la iska kaxaystay tobaneeyo maalmood ka hor. Somaliland oo dhan baa og xaalkiisa, xoog na waa looga hadlay. Ujeedada loo xabistay, iyo qaabka loo maray ba meelnaba sharci ma ka soo galo, laakiin kooxda ku lug lehi sharci dan iyo muraad ma ka laha. Social media ha ayay la wareegayaan ninkan in arimo amni loo xidhay, oo uu qaranka halis ku yahay, oo surdoonka Soomaaliya iyo Qadar ku xidhanyahay, laakiin intaas oo dhami waa huf iyo hal aan waxba ka jirin.

 

Marka 1aad, xukuumaddii iyo sirdoonkii ninkan sharci darada ku kaxaystay, marnaba wax war ah ma ka soo saarin sababta ay sidaas u yeeleen. Keliya niman difaac is ka ga  jira, oo badankood aanay cidina u ogayn xataa, ayaa waxaas suuqa ka samaynaaya. Marka 2aad, hadiiba ay wax uuni ka Jiri lahaayeen Warka ay taageeraaasha dharsani dhurayaan, xukuumaddu miyay awoodi wayday in ay waaran qabasho soo qaadato, amaba hadii tasu aanay dhicin markii hore, ay subaxnimadii dambe ba la soo baxaan waraaq rumaan oo u ogolaata in ay maalmo kale sii hayaan? Jawaabtu waa maya. Labadaas midnaba ma awoodi waayin, mana garan waayin ee farsamo ahaan baanay suurtagal ahayn.

Eeg, hadii nidaam sharci la maro, waxa liitta ee la dhoobdhoobaayo ayaa fashilmaaya. Isla sababtaas ayaa loogu diiday in garyaqaan uu arko, amaba dad ehel ahi booqdaan. Arimo amni baa loo haystaa waa beenta uGu lidata ee cid loo sheegi karo. Xataa been si xariifnimo ah looga fikiray ma aha. Basaasiin cadaymo lagu hayo oo waraaqo iyo codad ba laga duubay baa dunida la qabtaa, laakiin nidaam sharci oo lagu baadho iyo mid lagu sii hayo inta maxakamad la geynaayo ayaa jira. Sheeko caruureed ma istaahisho in la dhegaysto.

Isku soo wada duub, sababta Siyaad Barre loogu eedeeyo in aanu doonayn in ay Soomaaliya kaba nolol dambayso, ma aha in uu nuklier ama atomic bomb riday, keliya waa in uu sharciga ka dhigtay kolba wixii isaga iyo kooxdiisu jeclaato, awooddii dawladnimada na, ugu adeegay dano shakhsi iyo kuwo qoys. Waaba intaas uun. Maanta Muuse isaga oo aan awooddii Maxamed Siyaad boqolkii hsha na lahayn, ayuu maqiiqanyahay oo sharci ku tumasho iyo qaraabo kiil ka dhigtay labada halbeeg ee hogaankiisa. Haa, “sharci ku tumasho iyo qaraabo kiil”, waa laba xaqiiqo oo qof kastaaba ka dheregsanyahay jiritaankooda, qof ogaan u diidaaya se ma sheegin.

Labadaas dhaqan ee aan kor ku sheegay, oo hogaanka waddanku caadaysto, oo fariidnimo iyo wax wacan u arko,waxa laga dahxlo waa la yaqaanaa. Ma aha qofnaba in uu ogolaado in dalkiisa iyo dadkiisa sidaas loo baabiiyo iyaga oo sidaas u soo taagan. Ma aha qofnaba in uu xumaan cad ku taageero ama ku difaaco dan shakhsi ama qabilnimo. Xiligii Maxamed Siyaad ayay sidaasu dhici jirtay, oo rag iyo dumar tiro badan baa difaacista foolxumada iyo gefka xukuumadda u taagnaan jiray, waxba se lagama dheefin. Kuwii wax difaacaayay, kii la difaacaayay, iyo kuwii la dulmiyay ba waa ay wada qaxeen iyaka oo isku meeqaan ah. Taariikhda in wax laga barto miyaanay ahayn? Rag waxa u liitta ninka dhaqan ka dhigta wax hore ba qayrkii ugu soo jabay, waxaa se ka sii liitta, qofka waxaas oo kale difaacca ee isu xiijiya.

Alloow eex ma tiraabin ee aqoon ha igu ciqaabin!