Farriin baaq iyo codsi ah oo ku socota Telesom Company (WQ: Cabdicasiis-Daacad Ibraahin)

Farriin baaq iyo codsi ah oo ku socota Telesom Company

 

Toddoba Dollar waa nagu qaali. Walaallayaal badhkayo bisha ma isticmaalno ku hadal dhan xaddigan lacageed. Dalka maanta waa aynu ognahay dhaqaalihiisa iyo ka bulsho weyntuba intay yihiin. Xawaaladihii biilka looga soo diri jirey waa ay xanniban yihiin weli. Meheradihii dalka badankoodu waa ay kaceen. Dhaqaale xumo baahsan baa ina haysata. Sidaa awgeed, noo tudha oo naga dhima qiimahaas walaallayaal.

 

Dhanka kale, haddii badhkayo %50 aanu awoodno lacagtan, badhka kale ka dhima xawaaraha hadalka ee ku fadhiya qiimaha ku shubashada. Sida in 0.5 lagu hadlo 20 minit. Naga dhima oo xawaaraha naga yareeya.

 

Somaliland, gobol, degmo, tuule, daabiyad iyo hawdka bannaan oo dhan dadka joogaa waxa ay isticmaalaan TELESOM. Haddii dadkaas oo dhan 7 dollar laga fisho, waxaa sawirmaysa lacag aanay xataa TELESOM cimrigeed shaqayn. Si lacag badan oo qiime jaban dadka u ah, idilkoodna ay awoodi karaan, waa in lacagta qiimahan laga dhimaa oo midda shirkadda SOMTEL laga hoos mariyaa si isticmaalka Prepaid-ku kor ugu kaco.

 

Waxaan ka rejaynayaa baaqan codsiga ahi inuu gaadho madaxda shirkadda TELESOM. Kolkii ay arkaanna ay jawaab qiime weyn inagu soo celin doonaan.

 

U Danee Dadka Danyarta ah

Share and Like.

Qalin – Dhuux