Yaa yidhi Hargeysi waa caasimad? (W.Q. Cabdisamad Xasan Axmed)

waxa Dastuurka qodobkiisa saddexdaa ku qoran in caasimadda Somaliland laga dhigo Hargeysa, laakiin waxa la odhan karaa waxay ahayd talaabo lagu deg degay waayo lama fiirin qodobkii caasimadda lagu dooran lahaa.

Waxaa lagu fekerayay in caasimada laga dhigo mid ku meel gaadh ah balse si aan ku talo gal ahayn ayaa 2000 shacab waynaha Somaliland u codeeyeen dastuurk in uu boqolkiiba 97% talo gal yahay mid shacabku aqbaleen taaso oo uu ka mid yahay qodobkan sheegaya in caasimadda laga dhigo Hargeysa.

Hadaba inagoo hoos uugu daadagayna mowduucaeen aynu bal milicsano waxyaabaha ayna Hargeysi marnaba u noqon Karin caasimad laga xukumo 12 gobol iyo in ka badan.

  1. Waxa ay u dhowdahay xadka Itoobiya:Ay Uu Dhowday Xadka Itoobiya: hadaba qodobkan ayaa ah mid muhiim ah caasimada waxay wax ka yar 150 kiilo mitir u jirtaa xadka dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, taas oo si sahal ah lagu soo geli karo haddii ay colaadi ka dhex hurto dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Waan khatar in ay masaafo intaa leeg uu jirto xuduudka. Hadaynu eegno inta ay uu jirto gobolka Sanaag oo ah Gobolada Bariga ugu xigta Somaliland waxay u jirtaa caasimaddu masaafo ka badan 450 kiilo mitir, taasina waxay ku tusinaysaa sida ay ugu fog tahay Goboladda kale ee Beriga.
  2. Biyo La’aan: Hargeysa waa mid la il daran biyo la’aan daran oo baahsani ka jirto dhexdeeda, waxaana jira in xaafadaha qaarn ayna biyo helin. Sido kale labadda daamood ee Hargeysi ka koban tahay daan dhan ayaa bilaa biyo ah oo booyado loog dhaamiyaa. Caasiamad bilaa biyo ah yaa ku noolaan kara? Akhriste adigaan kuu dhaafayaa su’aashaa jawaabteeda.
  3. Caasimad bilaa waddo ah : Gebi ahaanba caasimaddu malaha hab ama nidaam loo dhiso guryaha nidaamayntooda, waanay is wada dhexyaalaan sida weel oo kale taasi oo sababtay waddo xumo oo xaafadaha qaar ayaa jira aan lahayn waddooyin loo maro waan mid dhibteeda iyo khasaaraheeda leh.

Tusaale ahaan imika markaad ka timaad waddadda xaga galbeedka oo aad ku socoto suuqa hal waddo ayaa ku gaynaysa, waa wax aad loola yaabo in hal waddo oo qudha ay leedahay halkii loo maraayey suuqa caasimadda, waana astaan kale ee aan ku saluugay in Hargeysi noqoto caasimad. Sidaas oo kale markaad ka tagayso suuqa waxa kuu banana laba waddo oo qudha, iyada laftigeed waa mid aad loola yaabo in caasimad dhan ay lahaato saddex waddo oo qudha oo mid suuqa ku keenaysa iyo laba suuqa kaa celinaaya.

Hadaba magaaladda Hargeysa maxaynu odhan karnaa way ku wanaagsan tahay.

Markaan sidaa u eegay magaaladda Hargeysi waxay ku wanaagsan tahay in laga dhigo magaalo ganacsiyeed, iyadoo wax ka bedel lagu samaynaayo dastuurka Somaliland, waxaana caasimadda ku wanaagsan in loo raro meel biyo leh, waddooinna leh kuna taalla badhtamaha Somaliland.

Waxaana magaaladda Hargeysa loo adeegsanayaa in ay noqoto magaalo ganacsiyeed waayo waddamo badan ayaa jira oo ka guuray caasimadahoodi iyagoo ka dhigatay magaalooyin ganacsi, ka dib markii ay biixin wayday shuruudaha loogu talo galay in ay caasimaddi lahaato.

Mantana Hargeysi way buuxin wayda shuruudihiii loogu talo galay in ay buuxiso oo ay ku noqoto caasimad, sidaas daraadeed waa in laga guurayaa iyadoon loo eegay ab ka qabiil am qabyaalad.

ianatana Hagreisi Way Buuxin Wayday Shuruudihii Loogu Talla Galay In Ay Buuxiso Oo Ay Ku Noqoto Caasimad  Sidaa Daraadeed Waa In Laga Guuro Iyadoon Loo Eegayan Hab Qabiil Ama Qabyaladeed.

 

La Soco Qaybaha Danbe…………

W.Q. Cabdisamad Xasab Axmed

+252634337516/0659113994

Email: abdizamadhassan@gmail.com

Burco, Somaliland

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.