Zaadka iyo E-Dahabka sarifka iyo sicir-bararka maxaa ka dhaxeeya? Q.2aad (WQ: Maxamuud Faarax Warsame)

 

Lacagta Doollarka ah ee suuqa ku jirta iyo baahida loo qabo in la isticmaalo

Marka hore waxaynu sheegi doonaa ilaha uu Doollarku inaga soo galo, kadibna waxaan sheegi doonaa cidda u baahan ee Doollarka isticmaasha.

Ilaha ay lacagta dollarka ahi inaga soo gasho waxay kala yihiin:

  1. Lacagta ay soo diraan dadka ku nool wadanka dibadiisa( waxay inoo soo martaa xawaaladaha)
  2. Lacagaha ay inagu caawiyaan beesha caalamku
  3. Lacagta innooga soo hooyata dhoofka xoolaha

Baahida loo qabo in la isticmaalo lacagta dollarka ahi waxay katimaadaa:

  1. Ganacsatada wax soo dajisa: Marka uu qof ganacsato ahi u rabo inuu dibada waxkasoo dajiyo waxa uu u baahdaa lacag dollar ah si uu markaa aduunyada meesha uu rabo wax ugaga soo iibsado dabadeedna uu wadanka sidaa ku keeno badeecadisa.
  2. Telesom iyo Dahabshiil: labadan shirkadood dollarka kaashka aad bay ugu baahanyihiin. Hadaba maxaa u suuro galiya inay helaan dollar kaash ah? Jawaabtu waa Zaadka Iyo E-dahab. Hadabada si ay dollarka kaasha ah u helaan waxay ina siiyaan dhigit(nambaro) u dhigma hadaba inta kaash ka ah ee aan gayno zaadka iyo E-dahab? Lacagtaa kaasha ah labadan shirkadood maxay ku qabtaan?
  • Waxay ku sameeyaan maalgashi
  • Waxay u isticmaalaan amaahinta dadkii marka hore lacagta amaano ahaanta ugu dhiibtey inay dib u amaahiyaan iyada oo xarashka amaahintu yahay 12 %( nidaamkaa waxa looyaqaanaa nidaanka dayn ku iibsiga ah ee islaamku ogolyahay!) amaa Murabahah

Labadaa qodob ee kor ku xusani waa labada faaiido ee ay ku qabaan lacagaha la dhigto Zaadka iyo E-dahabka ee amaanada ah.

Zaadka iyo E-dahab waxay inoo suurto galiyaan waxyaalahan soo socda kharash la`aan:

  • Xawaalada gudaha: inaad dirto lacag ama laguu soo diro iyada oon wax kharash ah lagu waydiinayn.
  • Inaad ku bixiso biil: tan waa bilaa kharash waayo hadii kale ugu yaraan waxaad bixinaysaa noolka gaadhiga/bajaajta ku gaynaya meesha aad biilka ku bixinayso waxa kale ood bixinaysaa waqtiga aad ku tagayso meesha aad biilka ku bixinayso.
  • Fudaydinta iibka: waxay inoo suuro galiyaan inaan wax walba iibsan karno ilaa xataa gaadhsii xabad xanjo ah.
  • Lumida lacagta oo yaraata
  • Waxay inoo sameeyaan qoraal kaydsan oo ku sahabsan dhaqdhaqaaqa zaadka iyo E-dahabka oo inta badan yaree muranka dhex yimaadka dadka zaadka iyo E-dahabka wax ku kala iibsada amaa isugu dira.

Shantan faaiido ee kor ku xusani waa danta lagu qabo zaadka iyo E-dahabka intabadan dadku waxay zaad iyo E-dahab ka ku shubtaan 5 ilaa 200 dollar inta u dhaxaysa waana inta badan lacagaha la  dhigto labadaa meelood.(waa qiyaas ahaan)

  1. Dawlada:dawladu marka ay rabto inay dibada wax kala soo dagto waxay iyaduna u baahataa dollar sida ganacsatada aan kor ku xusnay oo kale

Hadaba marwalba oo lacagta dollarka ah ee kaash ah ee suuqa ku jirtaa ay leekaato lacagta dollarka ah ee kaasha ah loo baahanyahay, sarifka Somaliland shilling ka iyo dollarku wuu xasilaa.

laakin mararka qaar waxa dhici karta in lawaayo dheelitirnaantan , markaa waxa suuro gal ah labadan arimood midkood inay dhacdo.

  1. In dollarka kaash ah ee suuqa ku jiraa ka yaraado inta dollarka kaasha ah ee loo bahaanyahay. Markan waxa dhacda in lawada raadiyo dollar iyada oo lawada haysto lacag Somaliland shilling ah oo badan, markaa waxa qaaliyooba sarifka dollarka waxaana qiimaheedu hoos u dhacaa Somaliland shillingka waana tan maanta taangan ee marka danbe saamaysay maceeshada iyo dadka isticmaala ee wax ku iibsada Somaliland shilling ka.
  1. In dollarka kaash ah ee suuqa ku jiraa ka bato inta dollarka kaasha ah ee loo bahaanyahay. Xiliyadan oo kale waa marka lacag dollar ah oo caawimo ihi timaado , marka ay inoo soo noqoto lacagta xooluhu. Markan oo kale waxa suuqa yaala dollar ka badan intii loo baahnaa sarifkiisunu hoosbuu u dhacaa marka loo eegayo Somaliland shilling ka. Tani way u fiicantahay inta badan dadka maanta uu sicir/xirbararku saameeyey.

hadaba haday sidaas aan kor kusoo sheegnay ay wax u jiraan maxaa la gudboon dawlada?

In ay dawladu suurto galiso in dollarka kaashka ah ee waddanka yaalaa bato iyada oo samaynaysa waxyaalahan soo socda:

  1. Dhiirigalinta dhoofinta xoolaha, kaluunka iyo milixda iyo wax walba oo dalku hodan ku yahay si ay usoo gasho lacag qalaad oo badani
  1. Dhiirigalinta maalgashi ajaabnibka meelaha aan ahyn halbawlaha dhaqaalaha wadanka.
  1. Iyo ay dawladu aad uga shaqayso amniga uu suurogalinaya maalgashiga ajaanibtu maalgashanayaan dalkeena.

In ay dawladu koobto baahida dollarka loo qabo wadanka gudihiisa hadaba sideebay dawladu taas aan kor ku sheegnay usuuro galin kartaa? ( waa saamayn xaga baahida dollar ka ah)

Kuwan soo socdaa waa talaabooyinka usuuro galinaya dawladu inay yarayso baahida dollarka loo qabo wadanka gudihiisa.

  1. In dawladu mudooyinka uu jiro sici/xirbarabka kan oo kale ay hakiso baahida dollarka ee ah inay dibada wax kaga soo iibsato
  2. Inay dawladu dhiiri dhiirigaliso istimaalka shilling ka Somaliland

Hadaba  arinka u dhaxeeya zaad iyo E-dahab oo meel ah iyo dawlada wuxuu imanayaa marka ay dawladu rabto inay hirgaliso qodabka labaad oo ah isticmaalida shilling ka somaliland  iyada oo rabta  xasilinta sarifka dollarka iyo shilling ka Somaliland  iyo inay xoojiso isticmaalka shilling ka Somaliland

 Digreetadii madax waynaha 24-10-2017, xalalka ay wax ku xalinayso waxa ka mid ahaa in an wax boqol dollar ka yar aan lagu isticmaali doonin  zaad iyo E-dahab. Hadaba halkaa marka ay wax marayaan waa inanay shirkadahaasi hadana si dadban dollarkii aanay suuqa uga guran iyagoo isticmaalaya dhigitka Somaliland shilling ka ah iyo dhigitka dollarka isku badalkooda.

Dawladu tan waxay uga jeedaa in la isticmaalo shilling keeda marka wax la iibsanayo ka yar boqol dollar, laakin marka aad iibsanayso boqol dollar wax kabadan zaad iyo E-dahab waad istimaali karta.

Waxa is waydiin leh haddii amarkaa la hirgaliyo samaayntu maxay noqonaysaa?

Ta koowaad,shirkadaha telesom group iyo dahabshiil group  waxa yaraandoona kaashkii dollarka ahaa  ee soo galijiray taasina waxay hoos u dhigidoontaa maalgashigooda iyo lacagahii ay dadka daymin jireen ee kharashka amaahintu uu ahaa 12% ,markaa waxaa yaraandoona faaiidooyinkii ay samayn jireen .

tani waa sababka ay u diidayaaan inay fuliaan amarkan oo looga jeedo in lagu yareeyo muhiimada  isticmaalida dollarka kaasha ah ee suuqa ka jirta iyo in la xasiliyo  sarifka dollarka iyo shilling ka Somaliland  amaba uu hoos u dhaco.

Ta labaad, dadka waxa kusoo baxaya dhibaatooyin dhawr ah marka ay lacag dirid, biil bixin iyo wax iibsiba u adeegsanayaan zaadka iyo E-dahab wixii ka yar boqol dollar.

  1. Waxa soo kordhaya khrashka xawaalada: qofku marka uu dirayo lacag ka yar boqol dollar waa inuu xawaalad ka diraa markaana bixiyaa kharashka xawilaada
  2. Waxa qofka ka kusoo baxaya nool iyo waqti marka uu biilka bixinayo ka hooseeya boqol dollar

Ta,sadexaad dawlada waxa u suurto galaya hadafkeeda ah sarif xasilinta iyo qiimo u yeelida shilling ka Somaliland.

Hadaba haday dawladu hirgaliso in uu dollarku suuqa ku bato, xaga kalena ay yarayso baahida dollarka istimaalkiisa loo qabo waxa suurtogal ah inay shilling ka Somaliland xoogaysto sixirbararka noocan ihina aanu soo noqon inta badan.

N.B:Qoraalkani wuxuu daba socdaa kii aan kaga hadalnay sicir/xirbararka had ka jira wadankeena waxaanan cabiray fikirkayga xorta ah oo ka madhan:

Qabyaalad

Nin jeclaysi

Dan gaaara iyo,

U hiilin cid gaara

Hoos ka akhri qaybtii koowaad

Zaadka, e-Dahabka sarifka iyo sicir sararka maxaa ka dhaxeeya?