Wafti uu hoggaminayo Wasiirka Madaxtooyadu ayaa la kulmay Boqorka Kuwayd

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wasiirka Caafimaadku ayaa la kulmay boqorka dalka Kuwayd Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber.

Sidaa waxa lagu sheegay war-murtiyeed casarkan maanta lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

War-murtiyeedka oo dhammaysitrani wuxu u dhigan yahay sidna:

Wasiirka weftigiisa oo ka koobnaa xubno wasiiro ah iyo xubno katirsan gudida abaaraha a Somaliland oo ayaa si heer sare ah loogu qaabilay Qasriga Madaxtooyada Kuwait.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa hadal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sharaxay kulankaasi, isaga oo xusay inay boqorka kuwait u gudbiyeen dhambaal ay uga sideen Madaxweyne Siilaanyo. waxaanu yidhi Wasiirku “ Shalay waxa wefti balaadhan oo aan horkacayo ay la kulmeen boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabax, kulankaas oo wakhti dheer qaatay waxaanu ka wadahalnay duruufaha iyo abaaraha maanta ka jira dalka Somaliland.

Mudane Xaashi ayaa xusay in boqor Sabaax ay ka codsadeen kaalmo degdeg ah boqorku uu garwaaqsay codsigaasi waxaanu yidhi “ Waxaanu boqorka u gudbinay dhambaal uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u soo qoray oo arrimahaas ka hadlaya, waxaanu ka codsanay kaalmo degdeg ah inuu boqor u fudiyo shacbiga Somaliland, iyadoo dalka Kuwait uu yahay wadan aynu xidhiidh wanaagsan leenahay, horena mashaariic faro badan wadankeena uga fuliyey.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena yidhi “ Boqorku arintaas wuu soo dhaweeyey, waanu garwaaqsaday, hadana waxaanu wadnaa kulamo kale oo farro badan, gadaal ayaanu ka faahfaahin doonaa dawladda Kuwait doorka iyo kaalinta ay ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.”

Weftiga Wasiirka Madaxtooyada, ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Ha’yada diiwaanka Sekada Iyo Mudane Sakariye oo ka tirsan gudida Qaranka ee taakulada abaaraha.

Bandhige News

Bandhige@gmail.com