Hal milyan qof ayaa saxeexay dalab Trump lagaga joojinayo booqasho uu ku yimaado Ingiriiska

 

In ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Ingiriiska ayaa saxiixay dalab ay uga codsanayaan dowladda inay baajiso booqashada la qorsheynayo inuu Trump ku tago Ingiriiska dabayaaqada sannadkan.

Dalabkan ayaa jawaab u ah amar uu soo saaray madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxoontiga.

Kuwa ka dambeeya dalabkan ayaa ku dooday in boqorada ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Ingiriiska.

Sida caadiga ah haddii dalabyada noocan oo kale ah ay saxiixaan boqol kun oo qof ka badan waxaa la geeyaa baarlamaanka si looga doodo.

Balse xafiiska Raysal-wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in la baajiyo safarkaasi.

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in casuumaadaasi mar hore loo fidiyay madaxweyne Trump islamrakaana uu aqbalay.

Trump ayaa marar badan ka hadlay xidhiidhka shakhsiyadeed ee uu la leehay Ingiriiska. Hooyadii ayaa ka soo jeeda Scotland.

baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka doodi doono dalabkan Salaadada.

Amarka uu jimcihii saxiixay Trump ayaa hakiyay dhammaan barnaamijyadii uu Maraykanku ku qaadan jiray dadka qaxootiga ah muddo 120 maalmood ah. Waxaana si joogto ah loo joojiyay qaxootiga Suuriya, waxaana la joojiyay in ay Maraykanka aadaan dhammaan muwaadiniinta todobo dal oo Muslimiin u badan.

bandhige@gmail.com