𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐧𝐢𝐧 𝐪𝐚𝐚𝐛 𝐗𝐞𝐞𝐥𝐚𝐝𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐮 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 – Ciidanka Booliska JSL, gaar ahaan Saldhiga Maxamuud Haybe (Qudhac Dheer) ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Maxamed Cabdi Faarax, kaasi oo ku eedaysan inuu dhac u gaystay oo Hooyooyin dhawra , isla markaana u dhacayay qaab xeeladaysan.

Taliyaha Saldhiga Maxamuud Haybe Dhamme Khadar Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane Maxamed Cabdi Faarax, Ina Faadumo Ibraahim, waxaanu xusay in Dhibane Qadan Muuse Cabdillaahi, uu ka dhacay telefoonkeedii gacanta, isla markaana uu ka shubtay lacag dhan 950-kun oo Shilinka Somaliland ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in eedaysani laba cisho ka hore uu soo galay Kiiskiisu Saldhiga, intaas kadib waxa uu tilmaamay in ciidanka ay hawlgaliyeen kuna guulaysteen in la soo qabto eedaysanahaasi.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in eedaysanahan oo caadayste ah kuna jira gacanta laamaha ammaanka ay horgeyn doonaan sharciga, waxaanu intaas ku daray in dhacdooyin badan oo uu galayna ay faahfaahin doonaan, isla markaana laba sano ka hor ay ka boolis ahaan u haysteen kiis Khiyaamo ah oo ku saabsan isdabarin Zaad, waxaanu caddeeyay taliyuhu in eedaysanuhu uu shaqo ka dhigtay dhaca dadka, waxaanu bulshada ka codsaday inay la soo wadaagaan booliska wixii xoga ee ay ka hayaan.