Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Ayaa Soo bandhigtay Talaabooyin Mihiim Ah oo Ku talaabasatay 2023

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Ayaa Soo bandhigtay Talaabooyin Mihiim Ah oo Ku talaabasatay 2023 kuwaasi oo ku Salaysan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddeaxaad ee u dejisan Xukuumada Somaliland, Islamarkaana udub dhexaad ay u tahay Siyaasada Wasaaradda Waxbarashada oo ku qotanta Saddexda Tiir ee Kala ah Fidinta Waxbarashada,Tayaynta Iyo Maamul Wanaaga.

Waxaana Warbaixinta Wasaaradda lagu Sheegay Guulaha ugu waawayn ee laga gaadhey waxbarashada intii uu socdey sannad dugsiyeedka 2023.

Kuwaasi oo Kala ahaa Sidan:-

1. Qaybinta 309,261 kun oo buugta Waxbarashada Manhajka oo iskugu jira Hoose/dhexe iyo Sare oo ay Wasaaradda waxbarashada iyo Wadaagayaasha la shaqeeyaa u iibiyeen dhamaan dugsiyada dawlada ee Ku Yaal Deegaanada miyiga.

2-Futitaanka Iyo Xadhig ka Jarka goobo waxbarasho oo dhan 130 goobood.

3-Tababarka 120 macalin oo hablo ah oo lagu tababarayo kulliyadda tababarka macalimiinta Qaranka, Barnaamijkaasi oo Lagu Kobcinayo Korna loogu Qaadayo Tirada iyo Tayada Hablaha Macalimiinta ah .

4.gaadhsiinta dhamaan qalabka waxbarashada dugsiyada (sholastic material) oo la gaadhsiiyay Dugsiyo fara badan.

5.Qalabynta iyo Casriyaynta Laababka dugsiyada sare ee Ardaydu ay ku Sameeyaan Maadooyinka Sayniska Iyo Practical-ka.

6.Taageerida dhaqaale Lacageed oo La gaadhsiinayo 30 Dugsi oo kamid ah Dugsiyadii Imtixaanka shahaadiga ah Kaalmaha Sare galay iyo dugsiyada Gacanta ku haya Ardayda tirada badan.

7.furitaanka rugta ardeyda baahiyaha gaarka (resource Center) oo Wax wayn ka tari doonta baahiyaha Ardaydaasi.

Ugu dambayn Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxay Waxay bulshadeeda ku baraarujinaysaa Mihiimada Waxbarashadu ay Leedahay iyo In Qof kastaa oo Doorkiisa Ka qaato (Gacmo Wada jir bay Wax ku Gooyaan).