Khadadka Internat-ka iyo Tilifoonnada ayaa ka go’ay marinka Qaza

Khadadka Internat-ka iyo Tilifoonnada ayaa ka go’ay marinka Qaza kadib weerarradii aan kala go’a lahayn ee ciidamada Yuhuuddu ku qaadeen, sida ay sheegeen shirkadah bixiya adeegga Internetka iyo hay’adda bisha cas ee Falsatiiniyiintu.

Ururka Xamaas ee reer Falsatiin ayaa iyagu dhankooda sheegay in garabkooda millatari ee Cisadiin Qasaam ay si weyn ugu diyaar garoobeen inay ka hortagaan weerarrada ciidanka israa’iil kadib markii ciidamada Yuhuuddu ay kordhiyeen weerarraooda dhulka iyo cirka eeay ku hayaan Qaza.

Xamaas ayaa intaa ku dartay in cadowga Israil ku fashilmay weerarkii dhanka dhulka ahaa ee ay kaga soo qaadeen Qaza saddexda Jiho, isla markaana ay khasaare laxaad leh kala kulmeen. Xamaas ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay gantaallo ay u adeegdsadeen iska caabbinta ciidamada Israil.