๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐“๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ฆ๐š๐œ๐š ๐ƒ๐ž๐ค๐ž๐๐๐š ๐’๐š๐ฒ๐ฅ๐š๐œ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ญ๐จ๐จ๐›๐ข๐ฒ๐š

Xildhibaan Ibraahim Sheekh Maxamuud Xirsi, oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay damaca Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekadda Saylac, waxaanu sheegay in aanay jirin deked Somaliland u haysa Itoobiya, balse dekedda Itoobiya ay tahay ta Eriteriya.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa, ka waaniyay taageerada ay u muujinayaan Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsan doonista dekedda Saylac.

Xildhibaan Ibraahin, waxa uu xildhibaan Maxamed Abiib, ku wargeliyay in goโ€™aan ka gaadhista dekedda Saylac ay leedahay xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanku, waxaan uga digey in uu ka hadalkeeda ka waantoobo.

Xildhibaan Ibraahim waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in aanay ku deg degin doonista Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekedda Saylac.

Waxaanu yidhi.โ€œRaysal wasaare Abiye waxa uu sheegay in dadkiisu sannadka 2030-ka ay noqonayaan 130 Milyen, balse inay bila bad noqdaana ma dhici karto ayuu yidhi, waxaan leeyahay Raysal wasaare Itoobiya badda Eriteriya ayay leedahay, hadday xumaan ku doonayso iyo hadday xoog ku doonaysaba, wax Somaliland ah oo bad ku leedahayna majirto, taasina xukuumadda iyo dadka degaanka ayay u taala,โ€

Geesta kale xildhibaanku waxa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa, ka waaniyay taageerada ay u muujinayaan Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsan doonista dekedda Saylac.

Waxaanu yidhi.โ€œBulshada badan oo degan magaalada Hargeysa ayaa hor yaacaya arrinta Abiyi, waxaan leeyahay Raysal wasaaraha waad lunsan tahay ee badaadii ayaad garan laadahay ee badaadii Eriteriya ayay ku taala,โ€

Xildhibaan Ibraahin, waxa uu xildhibaan Maxamed Abiib, ku wargeliyay in goโ€™aan ka gaadhista dekedda Saylac ay leedahay xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanku, waxaan uga digey in uu ka hadalkeeda ka waantoobo.

Waxaanu yidhi.โ€œXildhibaan Maxamed Abiib waxaan leeyahay aqal aanad lahayn miyaad kireyn, mise cidbaad siin, waa may soowmaaha sidaasi uunbaan u arka, degaankii laga soo doortay ee Ruqi iyo Saylac ayaad kala garan laadahay ayaan isleeyahay,โ€

Xildhibaan Ibraahim waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in aanay ku deg degin doonista Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekedda Saylac.

Waxaanu yidhi.โ€œDowladda Somaliland waxaan leeyahay yaan lagu deg degin arrinta Raysal wasaaraha Itoobiya ee damaciisa Dekadda Saylac, Somaliland laydh iyo biyo toona ugama baahna Itoobiya,โ€