24-guurada ka soo wareegtay malintii Mingiste laga xoreeyey Itoobiya oo lagu xusay Hargeysa

Xaflad aad loo soo abaabuley oo ay soo qabanqaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa ayaa lagu qabtay Maansoor Hotel Hargeysa, maanta gelinkii hore.

Waxa munaasibadda ka soo qayb galay qusulka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Madaxweyne-Xigeenka Somaliland, Guddoomiyaha Waddani iyo madax kale.

Sidoo kale waxa xafladda ka qayb-qaatay Jaaliyadda Itoobiya ee Somaliland iyo dadweyne badan oo reer Somaliland ah.

Intii ay xafladdu socotay waxa aad loo adkeeyey ammaanka Maansoor Huteel iyo agagaarkeeda iyadoo la arkayey qaybaha kala duwan ee ciidamada booliska oo gaaf-wareegayey agagaarka Huteelka.

Gumboot2

Qusulka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig. Gen. Berhe Tesfaye oo munaasibadda furay ayaa ku dheeraaday taariikhda maalinta Gumboot iyo waxa ay uga dhigan tahay dadweynaha reer Itoobiya.

“Waa maalintii xukunka laga tuuray keli-teliyihii Itoobiya Mingister Haile Mariam, waxayna astaan u tahay isbeddelka Itoobiya ka dhacay ee ay ugu horeyso isdhex-galka iyo wax-wada-qabsiga qoomiyadaha Itoobiya” ayuu yidhi Berhe Tesfaye.

Sidoo kale Md. Tesfaye wuxu xusay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland oo meel wanaagsan maraya, isagoo xusay in Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan taariikh dheer oo dhinaca halganka ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Itoobiya ee Somaliland oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Soomaalida Itoobiya ka faa’iideen maalintan Gumboot Hayaa.

“Berigii Mingiste Itoobiya maamulayey qofka Soomaaliga ah way ku adkayd in uu afkiisa ku hadlo dhaqankiisana soo bandhigo. Maantana qofka Soomaaliga ahi wuxu wax ku bartaa afkiisa dhaqankiisana sida uu doono ayuu u soo bandhigi karaa” ayuu yidhi Md. Rooble.

Madaxdii Somaliland ee munaasibadda ka soo qaybgashay oo uu ugu horreeyo Madaxweyne-Xigeenka Somaliland ayaa iyaguna sheegay in Itoobiya iyo Somaliland ay leeyihiin xidhiidh sokeeye oo soo jireen ah kaas oo haatana meel wacan maraya.

Bandhige@gmail.com