Fadeexadda eedaha musuq-maasuq ee FIFA waxay gaadhay heerkii u sarreeyey, ma laga noqon doonaa martigelintii Koobka Adduunka ee Qadar iyo Ruushka?

Baadhitaannadii gaadmadaha ahaa ee Maraykanka iyo Switzerland la beegsadeen FIFA waxay dunida tuseen in hay’addan caalamiga ah ee kubadda cagtu aanay ka sarreyn sharciga, caddaaladdana la marsiin karo.

Switzerland waxay hadda baadhaysaa muranno ka jiray sidii loo go’aamiyey halka ay ka dhacayaan ciyaaraha dunida ee sannadaha 2018 iyo kuwa 2022, kuwaas oo qandaraaskooda la kala siiyey Ruushka iyo Qadar.

Maraykanku wuxu daaha ka rogay in ay jiraan eedaymo la xidhiidha dambiyo ay madaxda FIFA ku kaceen oo u eg kuwii Maafiyada sida laaluush, wax-is-daba-marin iyo lacago la koontarabaaniyo, ficilladan oo socday muddo 20 sanno ah.

Dacwaddan waxa lagu soo oogay tiro ka mid ah madaxda FIFA kuwaas oo la filayo in laga soo mastaafuriyo Yurub, Koonfur Ameerika iyo waddamada loo yaqaan Kariibiyaanka.

Sepp Blatter, Madaxweynaha FIFA, wuxu maanta ka baaqday furitaankii shirweynaha FIFA. Sababta maqnaashihiisa waxa lagu sheegay in uu la tacaalayo duufaannada dhibaatooyinka ah ee shalay ku soo fatahay.

Weriyaha caanka ah ee dhinaca ciyaaraha Christine Brennan wuxu sheegay in haddii eedaymahani ay rumoobaan ay noqonayaan fadeexaddii ugu waynayd ee abid soo foodsaarta dhinaca ciyaaraha.

Sepp Blatter

Maxaa dhacay ilaa hadda?

Shalay waxa Switzerland lagu xidhay 7 masuul oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha FIFA ka dib markii lagu eedeeyey fowdo musumaasuq oo isugu jira laaluush, eex iyo madmadow dhinaca qandaraasyada ah.

Saraakiishan la qabtay waxay ka mid yihiin 14 qof oo ay dacwadi u taal  Maxkamadda Federaalka ee Maraykanka.

Dadka la soo dacweeyey waxa ugu tun weyn Madaxweyne-Ku-Xigeenka FIFA Jeffrey Webb iyo Jack Warner oo ah Madaxweynaha haatan ee xidhiidhka loo yaqaan CONCACAF oo hoos yimaad FIFA xaruntiisuna ku taal Maraykanka.

 

Jeffrey Webb

Afar iyo tobankan sarkaal iyo xubnaha fulinta waxa lagu eedeeyey laaluus iyo fowdo taas oo ka u dhaxayn karta 24 sannadood.

Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter isagu kuma jiro saraakiisha la xidhay. Afhayeenka FIFA Walter de Gregorio ayaa sheegay in Golaha Maamulka FIFA ay joogaan shirka doorashada Madaxweynaha ku xiga Sepp Blatter ee ka socda Switzerland.

“Lama xidhin Xogyahaya Guud ahna Madaxweynaha FIFA.” Sidaas waxa yidhi de Gregorio oo qabtay shir jaraa’id .

Afhayeenku wuxu intaa raaciyey “ FIFA way soo dhawaynaysaa dacwadihii bilaabmay bilaabmay dhammaadkii Noofambar ee ina dhaaftay, taas oo ahayd cabasho sharci ah oo ka timid Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Federaalka.”

“Xadhiga saraakiishanina wax saamayn ah kuma yeelanayo doorashada FIFA iyo koobabka adduunka ee lagu kala ciyaari doonnaa 2018ka iyo 2002 waddamada Ruushka iyo Qadar” ayuu yidhi Gregorio.

Maxaa xigi doona?

Maraykanka iyo xukuumadda Switzerland waxay sheegeen in aanay weli dhammaystirin madaxdii FIFA ee ay rabeen in ay xidhaan. Macnaheedu waxa weeyi in la filan karo madax hor leh oo la soo xidho maanta ilaa berito. Sidoo kale waxa loo badiayaa in sarkaashiishii shalay la xidhay loo mastaafurin doono Maraykan si halkaas loogu maxkamadeeyo.

Lama saadaalin karo go’aanka ay qaadan doonaan qaadhaan-bixiyeyaashii muruqa weynaa ee taageeri jiray FIFA oo ay ugu horeeyaan shariikadaha Coca Cola, Hyundai, VISA,  Addidas iyo McDonald’s. Waxay maanta dhammaantood si kala gooni gooni ah u soo saareen war-murtiyeed muujiyana sida ay u niyadjabsan yihiin iyo in ay danaynayaan in baadhitaanada laga gun gaadho.

Lama oga waxa ay calfan doonaan Ruushka iyo Qadar oo ah dalalkii ku guuleystay qandaraasyadii martigelinta Koobka Adduunka ee 2018 iyo 2022. Baadhitaannada hadda la wadaa waxay diirrada saarayaan sidii loo bixiyey qandaraasyadan iyo tuhunnada musuqmaasuqa ee ku hareeraysan.

Ruushku wuxu sameeyey baadhitaan isaga u gaar ah wuxuna sheegay in wax musuqmaasuq ah oo FIFA ay ku kacday aanu jirin. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Baadhitaanka Maraykanku samaynayo ku macneeyey mid la xidhiidha Maraykanka oo doonaya in uu garsoorkiisa gaarka u ah ku fidiyo dunida.

“Ma garanayo wax isaga shaqo ah Maxkamadaha Maraykanka iyo FIFA” Madaxweyne Putin

Qadar waxay hore u beenisay in ay jiraan shaqaale ajaanib ah oo ay ku addoonsanayso dalkeeda kuwaas qayb ka ah dhismeyaasha loogu diyaargaroobayo lana sheegay xaaladaha ay ku shaqaynayaan in ay ka horjeedaan xuquuqda aadamaha.

Madaxweyne-Ku-Xigeenka FIFA Jeffrey Webb oo qudhiisu ka mid ah dadka la rabo in la soo xidho ayaa xusay in baadhitaannadani aanay haba yaraatee saamayn ku yeelan doonin martigelinta Koobka Adduunka ee Ruushka iyo Qadar.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha dhacdadan.

bandhige@gmail.com