Madaxweyne Siilaanyo oo xadhiga ka jaray mashaariic laga fuliyey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal

Madaxweyne Siilaanyo wuxu maanta booqday Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal oo la gaadhsiiyey heer caalami ah oo waafaqsan shuruudda Hay’adda Caalamiga ah ee Duulimaadyada, ICAO.

Waxa madaarka lagu soo wareejiyey dayr, waxa loo sameeyey laydh ay diyaaraduhu habeenkii kaga duuli karaan, sidoo kale dhererkii dhabbada ay diyaaraduhu fadhiistaana waa la kordhiyey.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed “Siilaanyo” ayaa kormeeray mashaariicdan muhiimka ah, qaarkoodna xadhiga ayuu ka jaray sida uu soo gudbiyey weriye Bandhige uga qaybgalay munaasibadda.

Sida lagu sheegay war uu baahiyey xafiiska saxaafadda ee Madaxtooyadu, mashaariicdani waxay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka saacidayaan in dunidu u aqoonsato garoon caalami ah.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn xadhiga ka jaray Xarunta Kaydka Dabdamiska ee Garoonka, sidoo kale waxa uu kormeer iyo xadhig ka jaris ku sameeyey xayn-daab dheer oo lagu wareejiyey garoonka kaas oo ka kooban taar ama shebeg, iyo kaabado shub ah iyo dhabada garoonka diyaaraha oo dhererkiisu dhan yahay waa inta lagu daraye 1250M marka la isku darana noqon doonta 3700 Km.

Madaxweynaha Madaarka1

Xafladdii mashaariicdan lagu furayey waxa laga jeediyey khudbado qiimo badan waxana ka hadlay masuuliyiin tiro badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo ugu dambayntii xafladda ka hadlay wuxu hambalyo u diray cid kasta oo gacan gaysatay dhismaha mashaariicdaas oo uu ugu horeeyo boqorka Kuwayd oo isagu maalgeliyey garoonka.

Bandhige@gmail.com