Hirgelinta xeerka shaqaalaha dawladaha hoose ee Somaliland

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo kaashanaysa Hay’adda UNDP oo dhawaan dhammaystirtay Xeerka Shaqaalaha Dawladaha Hoose ayaa tabobar ku saabsan maamulka shaqaalaha dawladaha hoose u qabatay degmooyinka Somaliland.

Tabobarkan oo hoos yimaad mashruuca lagu taageero dawladaha hoose ayaa wuxuu ka socday muddo shan maalmood ah Maansoor Huteel, Hargeysa.

Tabobarkan oo si sare loo soo agaasimayay oo ay ka soo qeyb galeen kana qayb-galeen maayarada degmooyinka Somaliland badankoodu,  ujeeddadiisu waxay ahayd sidii qofka shaqaalaha ahi u heli lahaa xaqqa iyo xuquuqda uu ku leeyahay degmada isagana looga heli lahaa xaqa ay shaqadu ku leedahay.

Tababarkan waxaa kale oo si faah-faahsan loogu lafo-guray Xeernidaamiyaha iyo buugaag yar yar oo laga dheegay isaga looguna tala galay in si fudud oo la fahmi karo . Waxaana lagu turjumay afkeena  Soomaaliga ah.

Sidoo kale waxa shirka lagu falan-qeeyay meerta-nololeedka qofka shaqaalaha ah.

JPlg photo2
ka-qaybgaleyaashii shirka

Kulankan waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Maxamed Mixille Boqore iyo qaar ka mid ah maayarrada iyo xog-hayeyaasha uu degmooyinkooda ka socdo Barnaamijka Wadaagga ah ee Dawladaha Hoose ee loo yaqaan “JPLG” kaas oo lagu taageero Dawladaha Hoose.

Xidhitaankii kulankan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” oo ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkani u leeyahay shaqaalaha dawlahada hoose. Waxa kale oo uu Soltelco tilmaamay in xeerkani sugayo xaqa shaqada iyo xaqa shaqaalaha isagoo dhanka kale na sheegay in ay si fiican u hirgalin doonaan sharcigan oo uu digreeto wasiir ku soo saaray Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

JPLG 4
Saraakiil ka tirsan UNDP oo ka qayb-qaadanaysay shirka

Waxaa kale oo munaasibaddan ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal, wuxuna ku nuux-nuuxsaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray xeer-nidaamiyahani iyo in ay degmooyin badan soo mareen kalana soo tashadeen sidii ay u suur-toobi lahayd inuu qabsoomo oo uu hirgalo xeer-nidaamiyahani.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Maxamed Mixile Boqorre ayaa isaguna sheegay sida uu xeerkani muhiim ugu yahay habsami-u-socodka shaqaalaha dawladaha hoose taasi oo uu sidoo kale tilmaamay inay hadda ka hor qaar ka mid ah degmooyinka Somaliland ay ka soo dalbadeen inay imtixaan ka qaadaan shaqaalaha dawladaha hoose. Guddoomiye Mixile wuxu xusay kol haddii la helay xeerkan in hadda wixii ka dambeeyey ay imika fududaan doonto sidii loo horumarin lahaa shaqada ay degmooyinku u hayaan bulsha-weynta Somaliland.

Md. Mixille oo hadalkiisa sii wataa wuxu yidhi ‘waxaa qorshayaasha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ku jirta in la mideeyo xeerarka shaqaalaha ee Dawladda Dhexe iyo ka Dawladaha Hoose.

Ugu dambeyntii waxaa tabobarka soo xidhay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Axmed Faarax Cadare oo u mahadceliyay Hay’adda UNDP oo inta badan gacan muuqata ka gaysata sidii ay degmooyinku u la jaan-qaadi lahaayeen dhiggooda caalamka.

JPLG2
Xubno ka mid ah dadkii ka faa’iidaystay shirka iyo tabobarka

Wasiir-ku-xigeenku wuxu sheegay in habka kaliya ee taas lagu gaadhi karaa ay tahay sidii xeerkan looga midha dhalin lahaa oo ficil loogu rogi lahaa.

Dhanka kale,  Cadarre wuxu sheegay la gaadhay wakhtigii ay Wasaaraddu la xisaabsami lahayd degmooyinka, waxanu sheegay in uu dhawaan safar isla-xisaabtan ah ku tagi doono dhammaan degmooyinka Somaliland.

bandhige@gmail.com