Jaaliyadda Somaliland ee Sweden oo si diirran u soo dhawaysay Agaasimaha Tacliinta Sare ee Somaliland

Qaybo ka mid ah qurbe-joogga Somaliland ee deggan Sweden ayaa si diirran u soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Abiib Aw Axmed Cali oo hawlo shaqo u jooga halkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu jaaliyadda Sweden kala qaybgalo farxadda 18 May oo lagu qabtay Gobolka Sävsjö wadanka Sweden,  kullano uu la yeelanyo madax sare oo ka tirsan xukuumadda Sweden kalana hadli doono arrimo la xidhiidha waxbarashada iyo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo tartan kubadda cagta oo ay wada yeesheen Sweden iyo Somaliland oo ay guushu 1-0 ku raacday kooxdii Somaliland.

Jaaliyadda Sweden2

Sida ay noo sheegtay Xamda Maxamed Khayre oo ka mid ahaa abaabuleyaashii munaasibadda, munaasibad casho-sharaf ah oo loo sameeyey Agasimaha waxa ka soo qayb-galeen dadweyne tiro badan oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee Sweden, waxana ka hadlay madax sare oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Sweden oo uu hor hormood u Guddoomyaha Guud ee Sweden, Md. Sakariye Aadam Wacays, Guddoomiyihii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar “Jaamac Sweden”,  iyo wakiillo metelayey saddexda xisbi qaran oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Sweden Fu’aad Kaamil Ciise, Guddoomiyaha Kulmiye ee Stockholm Maxamuud Ibraahim, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Sweden Mudane Safwaan Sacaadadiin, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Sweden Mubaarik Cismaan Sabban, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Waddani ee Sweden Cabdi Cabdillaahi, xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga UCID iyo sidoo kale odayaasha reer Somaliland ee Sweden.

Qurbe-joogga Somaliland ee Sweden ayaa lagu ammaanaa firfircoonida iyo u-heellanaanta horumarka Somaliland iyo sidoo kale la-shaqaynta madaxda Somaliland ee hawlaha u taga dalkaas.

Hamda with Jaaliyadda

Jaaliyadda Swden4

 

Jaaliyadda Sweden3

 

 

Bandhige@gmail.com