SONSAF waxay soo dhawaynaysaa heshiiskii siyaasiga ahaa ee xisbiyada qaranku ku soo afjareen khilaafkii doorashooyinka (War-saxaafadeed)

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo kaashanaya Madax Dhaqameedka, Culimo’u-diinka, Ganacsatada, Aqoon Yahanka iyo dhamaan wax garadka Somaliland waxay mudooyinkii danbe ku hawlanaayeen sidii khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhintii Guurtida xal siyaasiya loogu heli lahaa.

Sida lala wada socdo Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay soo saareen baaqyo kala duwan oo ku wajahan sidii dhinacyada siyaasadu abuuri lahaayeen jawi degan, xilkasnimo iyo isu tanaasul. Hadaba iyadoo taas laga duulayo waxay Ururada Bulsha Rayidka ahi diyaariyeen xubno miisaan culus dalka ku leh oo isugu jira dhamaan qaybaha ay bulshada Somaliland ka kooban tahay, kuwaas oo loogu talogalay dhex dhexaadinta, ka hor intii aanu heshiisku dhicin.

Hadaba, waxay Ururada Bulshada Rayidka ahi soo dhaweynayaan go’ aankii taariikhiga ahaa ee Asxaabta Siyaasada iyo Xukuumadu ku soo afjareen khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta Guurtida, iyadoo sidii Somaliland caadada u ahayd qaybaha siyaasadu ku dhamaysteen khilaafkooda isu tanaasul, is afgarad ay ka muuqato bisayl siyaasadeed.

Ururda Bulshada Rayidka ahi waxay ugu baaqayaan dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee arintani khusayso in ay taageero buuxda siiyaan sidii heshiiskaasi u noqo lahaa mid taabagala. Sidoo kale, waxay Urudad Bulshada Rayidka ahi si gaara baaqan ugu dirayaan Golaha Guurtida Somaliland inay taageeraan Heshiiska Asxaabta Siyaasadda, sidii uu u noqon lahaa mid ku dhamaada guul iyo is afgarad.


Ugu danbayntii, Ururada Bulshad Rayidka ahi waxay ku boorinayaan Komishanka doorashooyinka Qaranku inay dar-dar geliyaan habsami u socodka hawlaha doorashooyinka. sidoo kale, Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay ugu baaqayaan Beesha caalamka ee taageera hanaanka doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland in ay sii xoojiyaan taageerada dhaqaale iyo mida farsamo ee ay ka siiyaan Somaliland dhinaca doorashooyinka. Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay markasta si buuxda u taageerayaan, heegana uyihiin sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Geba gabadii, Ururada Bulshadu waxay ku hambalyeynayaan dhamaan dhinacyada siyaasada isu tanaasulkii iyo kartidii ay muujiyeen ee ay ku soo afjareen khilaafkii siyaasadeed. waxa kale oo ay Xukuumadda iyo Xisbul xaakimka ku hambalyeynayaan gogashii ay u fidiyeen Axsaabta Mucaaradka ah.

Allah Mahad Leh
Maxamed Axmed Maxamuud
Agaasimaha SONSAF