wakhtigani waa mid ka arradan ku sar-goynta xulashadooda asbaabaha kor ku xusan, una darban wax dharaar af la geliyo ka soo dhacsigeed.
Anigoo dhacdooyinkaa usoo joogay, maskaxdaydana ay ka guuxaysay sida dalkan dhaqankaasi u dhaxal siin doono dhibaato hor leh, quusna ku ah in ay tahay dhaxalka duruufaha dhaqaale ayuunban buugga WEERANE ee uu qoray Muj Maxamed Baaruud, boggiisa 20aad kula kulmay qiso uu qoraaga buuggu kaga sheekaynayo eddadii Caasha iyo Xisbiga SNL (Somali National League).
Qisada aan kula kulmay bogga 20aad nuxur ahaan waxay u dhigan tahay sidan:-
Islaan todobaatan jir ah, oo qoraal iyo akhris toona awoodin oo isheeda dhaqaale ee ay masruufsataa tahay iibinta beedka digaagado saddex ah oo ay dhaqatay iyo tamaandho yar ayaa bil walba afar ama shan jeer (khamiis kasta) Xisbiga ay tageeraha u tahay qaadhaan ahaan ugu deeqi jirtay hanti lacageed iyadoo iibsanaysa Joornaalka Xisbigu soo saaro. Waxay igu noqotay arrin u qaadan waa ah kana fog filashadayda dhicitankeedu.
Waa qiso dhalinaysa yididiilo hore leh iyo u qalab qaadashada sidii dib loogu soo noolayn lahaa dhaqankii gobanimada badnaa ee barisamaadkii danta guud iyo wax wada lahaanshaha sida wada jirka ah bulshadu u kobcinaysay.
Waa waajib saaran Guddida u hawl galka iyo ka shaqaynta sidii dib loogu geediyi lahaa dhaqankii gobanimada badnaa ee aynu ka soo guurnay.
Alla mahaddii, Guddi ahaan waxaanu hawl weyn ka qabanay in la helo Ururro Siyaasadeed oo koox iyo qoftoona gooni u sheegan karin.
- Dhaqanka Cod/Tageero iibintu looma wada nisbayn karo dhamaan tageerayaasha, balse tageerayaasha dhaqankaas leh ee aan ka hadlay maha tiro yar oo qarsoomi karta.
Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim
Xubin ka ah Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda
& Ansixinta Asxaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
ย Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.comย