Ciidamada Qaranku Way Ku Saxan Yihiin Difaaca Madax-banaanida Dhuleed ee Somaliland” Gavin

Xildhibaan Gavin Williamson oo Ciidanka Qaranka JSL ku Ammaanay difaacida dalka

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Qaranku ku saxan yihiin difaacida dalka, isla markaana ay tahay waxa qaranimadu ku dhisan tahay.

Md. Gavin oo hadal ka jeedinayey kulan lagu xusayey 26 June oo masuuliyiinta safaarada ee Ingiriisku soo qabanqaabiyeen ayuu ka sheegay in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland.

Mar la weydiiyey dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxaha huwanta ah ayuu Md. Gavin kaga jawaabay,

“Ciidamada Qaranku waxay difaacayaan madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland, way ku saxan yihiin, waana waxa qaran sameeyo.”

Xildhibaan Williamson ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka, waxaanu yidhi,

“Waxaanu doonaynaa wada xaajood, waxaan doonaynaa nabad, iyo in dadka isu-yimaadaan nabad.”

Xildhibaan Williamson ayaa hadalka ka jeediyey munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xildhibaano kala duwan iyo dublamaasiyiin saaxiibada Somaliland ee caalamku hadalo ka jeediyeen.

 

Bandhige@gmail.com