Addisababa(SOLNA)- Ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer ayaa bogaadiyay.

istaraatajiyadda diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Sidaasna waxa daabacay Warsidaha African Herald ee ka soo baxa Caasimada Addisababa, oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Mike Hammer wuxuu toddobaadkan Addis ababa kaga qaygalay shir ku wajahnaa dib u eegista gunaanadka heshiiskii Pretoria ee lagu joojiyay colaadii ka dhacday waqooyiga Itoobiya. Waxa kaloo booqashada ergaygu ay la xidhiidhay xoojinta nabada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Waxa kaloo ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika uu soo dhaweeyay isla markaana majeertay qorsheyaasha iyo istaraatajiyadda diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo doorka uu ku horumarinayo xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo is-fshanka ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Mike Hammer wuxuu xusay in isfahanka Somaliland iyo Itoobiya uu yahay horumar diblomaasiyadeed.

Sidoo kakena waxa uu Soomaaliya iyo Jabuuti ku booriyay inay xushmeeyaan cilaaqaadka wax dhisaya oo intii ay ka hor iman lahaayeen. Waxaanu ka digay in xasiloonida gobolku halis geli doonto, haddii xiisada ka sii darto.

Ergayga Maraykanku wuxuu ku booriyay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya ay qadariyaan cilaaqaadka diblomaadiyadeed iyo dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna carabka ku dhuftay in xidhiidhada noocan oo kale ahi ay saacidayaan nabada iyo horumarka mandaqada.

Ugu dambayn Mike Hammer wuxuu tilmaamay in dawladda Maraykanka ay ka go’an tahay nabada iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

 

 

 

 

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka Somaliland

Bandhige@gmail.com