Dawladda Taiwan ayaa tababar ballaadhan oo horumarinta beeraha iyo tiknoolajiyadda ah u qabatay dalal Afrika ka socday oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Taiwan ayaa tababar ballaadhan oo horumarinta beeraha iyo tiknoolajiyadda ah u qabatay dalal Afrika ka socday oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa sheegtay in tababarkaasi ay ka qaybgaleen khuburro ka kala socotay dalalka Eswatini, South Africa, Somaliland, Nigeria, Kenya, Tanzania, Namibia iyo Liibiya.

Waxa kaloo wasaaradda Khaarajiga Taiwan intaas ku dartay in tababarkan oo ay soo qaban qaabisay jaamacadda National Pingtung University of Science and Technology, ay ka qaybgaleyaashu qaadan doonaan tababar dhammaystiran oo iskugu jira qoraal iyo shaqo hawleed gacabta laga wabanayo oo la xidhiidha hab beerista casriga ah ee loo adeegsanayo Tiknoolajiyadda.

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan u qaabilsan galbeedka Asia iyo Afrika Chen Yung-po (陳詠博), ayaa sheegay

In tababarkan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo sidii la iskugu xidhi lahaa ganacsiga beeraha Taiwan iyo Afrika.

Mr. Chen wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayo in kor loo qaado iskaashiga beeraha, wax-soo-saarka xoolaha oo la qalabaynayo adeegyadaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa ay xaqiijisay inay mashaariic dhinaca beeraha ah imikaba ka wadaan dalalka Somaliland iyo Eswatini.

Somaliland News Agency (SOLNA)

 

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL

Bandhige@gmail.com