Xikmadaha Maanta

  • Waa arin xun in dadka oo dhami ay wanaag sameeyaan iyagoo ka cabsi qab in la ciqaabo ama doonaya in la siiyo abaal marinโ€. U same wanaaga adigoo doonaya inaad noqoto qof wanaagsan , isla markaana raacaya Amarada Allah (sw)
  • โ€œKa fogow dadka fikirka xun waxay ka dhex arkayaan mushkulad xal kasta oo loo baahnaโ€
  • Malaha xumi wuxu ku nacsiiyaa saaxibadaada, qoyskaaga qaarkood, wuxuuna yareeya kulanka asxaabta. Allah (sw) weydiiso inuu kugu arsaaqo malaha wanaagsan kaasi ayaa ah raaxada qalbiga iyo fayoobidda laabta.
  • Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso.maxaa yeelay waxaad la kulmi doontan markaad halkaasi weydo. Mana jiro qof weligii saraynaya.
  • Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysid sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna goโ€™aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.
  • Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaa joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh
  • Haddii mashquul ku tahay inaad dad kale burburiso, wakhti u helimaysid inaad naftaada dhisto.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com