Afar Dal oo Carbeed ayaa waxay xidheen heshiis lala galo Qadar shuruudo gaadhay 13 qodob

 

Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajib tahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay warbaahintu soo tabinayso.

Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xidhto albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera.

Waxa kale oo ay Qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay EEraan la leedahay, ayna xidhto saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood guddahood ah.

Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka.

Qadar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sanno ah.

Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid sabab leh oo wax laga qaban karo, khilaafka ka dhex aloosan waddama Khaliif badhkood iyo Qadar.

Suxufiyiinta ayaa waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.

bandhige@gmail.com