Agaasimaha guud ee W.W&S ,ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay kooxda kubada cagta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL

Agaasimaha guud ee W.W&S Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay kooxda kubada cagta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL ee qaybta ka ah tartanka hay’addaha dawlada.

Casho sharaftan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo qayb kamida ciyaartoyda wasaaradda.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay macalinka, gudoomiyaha iyo kabtanka kooxda kuwaasi oo dhamaantood u mahad celiyay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada, iyagoo si gaara ugu mahad celiyay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada oo isagu fidiyay casho sharaftan isla markaana mar kasta garab taagan kooxda.

Agaasimaha guud ee W.W&S oo halkaasi ka hadlay ayaa kooxda ku amaanay dadaalka ay sameeyeen intii ay socdeen ciyaaruhu, waxaanu kula dardaarmay inay halkaa kasii wadaan dadaalka ayna soo bandhigaan ciyaar wanaagsan, kana fogaadaan wixii ciyaarta ka carqaladaynaya.

Wasiirku xigeenka oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leeyihiin ciyaaruhu waxaanu wasiirku kooxda ugu hambalyeeyay guulaha ay kasoo hooyeen ciyaarihii kala duwanaa ee ay kooxdu soo ciyaartay, waxaanu kooxda u balan qaaday in masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu la garab taagan yihiin hiil iyo hooba ayna balanteenu tahay koobka.