Aniga iyo danta guud: Silsilad Ramadaani ah, Sheekh Berberaawi, Q.5aad

 

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa bilaabay silsilad wacdi ah oo muuqaal ah, wuxuna ugu talo galay in bulshada af-Soomaaliga ku hadaashaa ay wacdigan Ramadaanta la socdaan.

Silsiladdani waxa ay gaar ahaan ku saabsan tahay akhlaaqda qofka Muslimka ah; ha noqoto xidhiidhka uu Illaahay la leeyahay, Rasuulka SCW, samofalka waalidka, Qur’aanka iyo mowduucyo kale oo muhiim ah oo si joogto ah ula socon doontaan inta lagu gudo jiro Ramaadaanta.

Sh. Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) waxa uu duruustiisii heer jaamacadeed ku soo qaatay waddanka Yemen, wuxuna hadda imaamka iyo khadiib ka yahay Masaajidka Ansaar oo ku yaalla Hargeysa. Waxa kale oo uu Sheekhu bare sare ka yahay kulliyadaha barashada Shareecada Islaamka ee jaamacadaha waddanka.

Sheekh Berberaawi waxa kale oo uu duruus xidhiidh ah oo ku saabsan cilmiga diinta, gaar ahaan xadiiska, caqiiqada iyo duruus kaleba ka dhigaa masaajiddada Hargeysa.

Sh. Cabdillaahi waxa uu dedaal xoog leh ku leeyahay baraarujinta bulshada ee dhinaca diinta, waxana uu muxaadarooyin joogto ah iyo waanooyin ku qabtaa gobollada iyo degmooyinka waddanka.

Bandhige wuxu idiin soo gudbinayaa haddii Alle idmo qaybaha silsiladdani ka kooban tahay. Wixii aad su’aalo ka haysaan ku soo hagaajiya bandhige@gmail.comsi aanu jawaabaha sheekha dib idiinku soo dirno haddii Alle idmo.

Qaybtani waa tii 5aad ee silsiladda. Daawasho wacan.