“Anigu ma jecli in layla xanto Amb. Cawil iyo Cali Warancadde oo weli saaxiib ayaanu nahay [Laakiin] Xanta Waddani baa igu badan oo waxaan doonayaa in aan kelmad sheego” Siyaasi Siciid Sulub 

 

Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah Musdambeedka Xisbiga WADDANI ayaa sheegay In ay ku badan tahay xanta uu xisbigiisu iska weydiiyo saamaynta ay rag ay isaga saaxiibo ku ahaayeen saaxaddii UDUB oo haatan KULMIYE ka tirsani ku yeesheen dhoollatuska siyaasaddeed ee xilligan ka dhex socda axsaabta. Siciid Sulub waxaa uu sheegay in ay jirto arrimo gaar ah oo ay isku ogaayeen isaga iyo labada siyaasi ee Cali Warancadde iyo Xuseen Cali Ducaalle Cawil oo xilligii udub ay ahaayeen cududa taladu ka go’do ee xukuumaddii Rayaalle, sidaasi oo ay tahayna ay saaxiibtinadooodu dheer tahay.

“Xanta WADDANi baa igu badan oo niman aanu saaxiibo nahay oo koofiyado waaweynbaa la igu yidhaahdaa waxaas iyo waxaas bay yidhaahdeen. Waxaan  doonayaa inaan kelmad ka sheego halkan laakiin horta saaxiibtinnimadoodu waa wax igu weyn oo ma jecli in layla xanto saaxiibbaday”. Sidaas ayuu yidhi Siciid Sulu boo kahadlayay madal uu xisbiga WADANI Ku Qaabilay taageerayaal ku soo biirayay,

Waxaanu intaa ku daray;

“Weli Saaxiib ayaanu Cawil iyo Cali Warancadde nahay waanan ku ammaanayaa inay Muuse Ag fadhiyaan laakiin in wixii aanu isku ogayn wax aan ahayn ay ku hadlaan kuma ammaanayo Waayo Muuse Biixi iyo KULMIYE iyo Xukuumadda Kulmiyeba wax baanu iskaga ogayn saddexdayadu inaanu ka sheegno oo wax badan baa nalaga duubay,sidaas darteed waxaan leeyahay Rati baa laba carrablehe ragu laba carrabma laha, saaxiibaday farriinta aan halkan uga dirayaa markaa waxa weeye.”

Waxaanu intaa ku daray:

“Waad ogtihiin oo wali saaxiib ayaynu nahay aniguna kama baxayo saaxiibtinnimadeenii ee haddaad waxaan jirin oo wixii aynu isla ogayn aan ahayn aad tidhaahdaan oo aadka been sheegtaan waxay anigana igu kellifaysaa inaan masraxa imaado  oo aan idinka daba hadlo, sidaas darteed saaxiibayaal garan maayo wax uu KULMIYE idiin aamini waayay ee ay uga daba qaylinayaan Ismaaciil Yare iyo Abiib iyo rag badanoo deegaankaas Seediyaday kasoo jeeda oo dhawaan (WADDANI) iman doona, waxaanan leeyahay dee waar [KULMIYOOW] aamina Cali iyo Cawil ileyn waa rag waaweyn oo caan ah oo la yaqaannee.”

Hadalka Siciid Sululb ayaa ka dembeeyey kadib markii dhawaan ay Siyaasiyiinta Cali Warancadde iyo Amb. Cawil xubno ka noqdeen safar dheeroo guddoomiyaha KULMIYE kusoo maray deegaannada Bariga Somaliland.

bandhige@gmail.com