Baarlamaanka Spain waxay xilkii ka qaadeen Raysal-wasaarihii

 

Raisul wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa lagu qasbay in uu xilka baneeyo ka dib markii ay baarlamaanka dalkaasi kalsoonida kala noqdeen.

Hogaamiya hanti wadaaga Pedro Sánchez, oo isagu keenay mooshinka ka dib markii xisbiga Mr Rajoy lagu eedeeyay fadeexado musuqmaasuq ayaa imika noqonaya raisul wasaaraha cusub.

Mr Rajoy ayaa nooqanaya rai’sul wasaarihii ugu horreeyay ee taariikhda casriga ah ee Spain looga adkaado mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Waxa uu rai’sul wasaaraha dalkaasi ka ahaa tan iyo 2011.

Maxaa loogu baaqay kalsooni kala noqoshada?

Mr Sánchez ayaa seegay in Mr Rajoy, oo 63, jir ah uu ku guuldaraystay in uu qaato masuuliyada in xisbigiisa uu ku lug lahaa fadeexado, ka dib markii mid ka mid ah keedhayaha xisbiga lagu xukumay 33 sano oo xarig ah.

Maxkamadda sare ee Madrid ayaa lagu helay dacwad ahayd in Luis Bárcenas uu qaatay laaluush , lacago uu si sharci daro ah ku kala wareejiyay iyo dambiyo canshuurta la xiriira.

“Waxa aan doonaynaa in aan saxiixno bog cusub oo ah taariikh dimuqraadiyadeed ee dalkeena,” ayuu yiri Mr Sánchez.

bandhige@gmail.com