Barack Obama wuxu madaxda Afrika u soo jeediyey in ay kursi-jacaylka ka koraan, xilkana sharaf kaga degaan marka ay muddadu ka dhammaato

Madaxweynaha Barack Obama ayaa khudbad taariikhi ah oo socotay 48 daqiiqo ka jeediyey golaha Afrika u dhan tahay ee la yidhaa Midowga Afrika xaruntiisuna tahay Addis Ababa.

Kubdaddiisa wuxu ku bilaaban ahayn:

“Waxan idin hor taaganahay aniga oo ah Madaxweynihii Maraykanka isla markaana ah wiil ay Afrika dhashay”

Barack Obama wuxu noqday madaxweynihii kowaad ee Maraykan ah ee khudbad ka jeediyey Midowga Afrika, wuxuna si aan gabasho lahayn oo toos ah farriimo ugu gudbiyey madaxda Afrika ee ku soo ururtay Midowga Afrika si ay u qabsadaan shirkoodii sannadlaha ahaa.

Madaxweyne Obama wuxu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in ay Afrika ganacsigeeda kor u qaado dhaqaalaheedana koriso, taasina aanay ku imanayn oo kaliya in ay ganacsi la sameeyaan Ameerika iyo Yurub, laakiin ay horumar ku gaadhi karaan iyagoo dhexdooda ganacsi ka sameeya.

“Afrika waxay u baahan tahay in ay koriso ganacsiga dhexdeeda ah, waxay u baahan tahay in ay wax ka beddesho siyaasadaheeda xuduudaha iyo kastamada. Waa in dawladuhu fududeeyaan ganacsiga dhexdooda ah” ayuu yidhi Barack Obama.

Madaxweyne Obama wuxu madaxda Afrikaanka u sheegay in ay daweeyaan musuq-maasuqa kansarka ku noqday qaaradda.

“Musuq-maasuqu meel walba wuu ka jiraa xataa Maraykanka. Laakiin Afrika ma awooddo in ay musuq-maasuq ku lumiso balaayiin Doollar. Waa lacagtii loo adeegsan alahaa in shaqooyin lagu abuuro, dugsiyo waxbarasho iyo cusbitaallo lagu dhiso” ayuu yidhi Obama.

Madaxweyne Obama wuxu madaxda Afrika uga digay kursi-jacayl iyo xilka oo ay isku sii dhajiyaa, wuxuna ugu baaqay dimuqraadiyad iyo in ay dadkooda u ogolaadaan in ay dookhooda ciyaaraan.

“Afrika horumar gaadhi mayso inta madaxdeedu ay kursiga isku dhejinayaan, inta ay beddelayaan shuruucda marka ay dhammaato wakhtigii la doortay sida Burundi. Maaha in la ogolaado in uu qof madaxweyne ahaado cimrigiisa oo dhan. Madaxweynaha xilkiisu ka dhammaado waa in uu xilka u wareejiyaa sidii Nelson Mandella iyo George Washington”

Madaxweyne Obama wuxu madaxda Afrikaanka u sheegay in uu isaguba jeclaan lahaa in uu xilka sii joogo mar saddexaad laakiin aanu sharcigu u ogolaanayn. Sharcigu waa sharci. Wixii uu dhigayo waa in lag dhaqmaa ayuu yidhi Obama. Ninkii xilku ka dhamaado waa in uu kursiga sida shacigu dhigayo u baneeyo.

“Waxan aaminsanahay in aan ahay madaxweyne wanaagsan oo mar saddexaad haddii aan is sharixi lahaa waa la i dooran lahaa. Laakiin sharcibaa iga hor taagan. Sharciguna waa sharci. Ma fahmi karayo sababta madaxda Afrika marka lacagta ka dhargaan kursiga u banayn la’yihiin marka ay muddadu ka dhammaato.”

Madaxweyne Obama wuxu Afrika u soo jeediyey in haddii ay rabaan horumar ay faraha ka qaadaan cabdhinta saxaafadda iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadamaha, wuxuna carrabka ku dhiftay Itoobiya oo uu doorashooyinka ay qabtay ku tilmaamay in ay yihiin oo kaliya tallaabadii koowaad.

Hoos ka akhri warar kan la xidhiidha:

Obama waxa uu ugu baaqay Itoobiya in ay joojiso bur-burinta mucaaridka

 Madaxweyne Obama waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Itoobiya

Madaxweyne Obama wuxu rajo hor leh u abuuray ganacsatada hal-abuurka leh ee Afrika

Obama oo ka ambabaxay Kiiniya kuna sii jeeda Itoobiya

Barack Obama oo hadda soo gaadhay Kenya, walaashii oo ku qaabishay madaarka

Madaxweyne Obama oo la filayo in uu maanta gaadho Kiiniya

Mulkiilaha Summer Time, Siciid Sheekh Cumar, wuxu ka qayb-galayaa kulan Obama u furayo ganacsatada hal-abuurka leh ee adduunka

Itoobiya waxay sii daysay suxifiyiin xidhnaa goor uu ku soo fool leeyahay Madaxweyne Obama

 

Bandhige@gmail.com